Muxuu Daarnaa Kulanka dhexmaray taliyeyaasha booliska Itoobiya iyo Kenya?

Dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa sameynaya iskaashi xooggan oo dhanka amniga ah si loola dagaallamo argagixisada xudduudaha isaga gudba si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida aagga xuduudda.

Hadalkaan ayaa yimid iyadoo Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya General Demelash Gebremichael uu Xafiiskiisa ku qaabilay Kormeeraha Guud ee Guddiga Adeegga Qaranka ee Booliska Kenya, Hilary Nzioki oo ay ka wada hadleen arrimo khuseeya amniga labada dal.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la bilaabo howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Shene, si meesha looga saaro falalka ay gaystaan labadaan urur.

Heeshiis ku saabsan howglkaan ayaana labada qorshaynayaan in ay kala saxiixdaan muddo bi gudaheed ah.

Saraakiisha iyo warbaahinta Kenya ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la bilaabo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Shene, si loo joojiyo falalka ay wadaan labada urur.

Labada dal ayaa saxiixi doona heshiis is afgarad ah oo ku saabsn howlgalka wadajirka ah ee ay kula dagaalamayaan ururadaas.

Taliyaha guud ee booliska Kenya Hilary Mutyambai ayaa sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay isku afgarteen in ay sare u qaadaan iskaashiga dhanka xog is dhaafsiga, isaga oo intaa ku daray in heshiiska is-afgaradka ah uu awood u siinayo dalalka in ay sugaan nabadda iyo ammaanka xuduudaha isaga gudba.

Kenya iyo Itoobiya waxa ay wadaagaan xuduud, waxaana dhowr jeer xuduudaas ka dhacay weeraro ay geysteen ururka Al shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker