Faysal Cali Waraabe Ma Muxaafidbaa Mise Waa Mucaarid? Akhri Warbixin Xiisa leh.

Faysal Cali Waraabe (Bidix) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (Dhexda) iyo Cali Khaliif Galeyr (Midig)

Hargaysa:- (OWN) Rasmi ahaan waa  guddoomiyaha ururka mucaaradka UCID ee jamhuuriyadda Somaliland, balse Faysal Cali Waraabe su’aalo badan ayaa la’iska weeydiinayaa labada dhinac kan uu jiro. Waxay arrintan cirka isku sii shareertay markii ay soo baxeen sawirro muujinaya kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa kuma Faysal Cali Waraabe?

Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanaddii 1948 .

Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadahihii lixdamaadkii .

Sanadihii 1965kii ilaa 1968 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee injineeriyadda ah ku soo qaatay jaamacadda ee Leningrad ee dalka Ruushka.

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali Waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday Faysal madaxii enjineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal Cali Waraabe ahaa guddoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan . burburkii dawladdi dhexe ee somaliya 1991 wuxuu faysal iyo qoyskiisu u qaxeen dalka Finland . jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Ma mucaaradbaa?

Saddex jeer ayuu u tartamay xika madaxweynenimada Somaliland, intuba kuma uusan guuleysan, wuxuuna heley codadkii ugu tirada yaraa doorashada, inkasta oo doorashooyinkii baarlamaanka 2005-tii uu heley boqolkiiba 26.9%.

Caadi ahaan waa siyaasiga ugu codka dheer Somaliland, waana nin af ma gaaxshe ah, kaas oo ay saxaafadda kasoo xigato hadallo dhaliya hadal hayn badan bulshada dhexdeeda.

Inkasta oo xildhibaanada xisbigiisa UCID ay Aqalka Wakiilada ka fariistaan dhinaca mucaaradka, haddane marka ay timaado in xukuumadda jirta la mucaaraddo ama la dhaliilo waxaa inta badan xagga hore soo mara xisbiga kale ee mucaaradka ah, hadba kan markaas jooga.

Prof Ibraahim Bursaliid oo falanqeeya arrimaha siyaasadda waxa uu qabaa in Faysal uu u janjeero dhanka xukuumadda, wuxuuna yiri “markasta isaga mucaaradnimada waxaa kala weyn hadafka Somaliland-nimada, taasna waxa ay la gashaa in uu xukuumadda hadba jirta uu dhankeeda u janjeero, isaga oo is ogeyna arrimaha Soomaaliya ayay lasoo gashaa”.

Waxa uu intaas ku daray in xaqiiqda ah in marka la barbar dhigo guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, uusan muuqanin la xisaabsan adag oo xukuumadda ku wajahan oo ka imanaysay Faysal.

Ma muxaafadbaa?

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID
 Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID

Dhawaan Faysal warbaahinta ayuu ciwaano waaweyn u sameeyay kadib markii uu si lama filaan ah uga soo dhex muuqday shirkii iskaashiga Soomaaliya ee Brussels.

Inkasta oo uu sheegay in uusan si rasmi ah shirka qayb uga ahayn, haddane waxa uu qiray in uu shirar gaar gaar ah la galay beesha caalamka iyo waliba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo waan la kulmay, waxaanan kala hadalnay sidii deeqaha loo qeybsan lahaa, waxaan kala hadalnay sidii dagaalka loo joojin lahaa” ayuu yiri Faysal oo la hadlay BBC Somali.

Mar la weeydiiyay in ay dowladda Somaliland ka warhayso iyo in kale ayuu ku jawaabay “Dowladda qaranimada Somaliland iyo illaalinteeda isaga mid ayaanu nahay”.

Kullankaas uu la yeeshay Farmaajo kadib waxaa dhashay buuq siyaasadeed oo arrinkaas ku saabsan, waxaana ka hadlay dad kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayay baarlamaanka Somaliland ayaa yiri “Waxaa tagay shirka guddoomiyihii xisbiga Ucid, maanan ogayn, nagalama uusan tashan, tallo kuma aanan lahayn, waana wax inagu cusub, waana arrin u baahan in dib la’isaga arko…. Isaga oo Farmaajo la jooga amakaag ayay noqotay , mana dhici karto, waa la arki doonaa waxa ay ku damayso”.

Haseyeeshee waraysi uu taleefishinka Universal siiyay Faysal ayuu u muuqday in uu qiranayay in ay xukuumadda la ogtahay shirka illaa xad, wuxuuna yiri “Anaga cid na casuumtay ma jirto, Somaliland qarashkeeda iyada ayaa baxsata, anaga dowlad baanu nahay oo jirta”.

Guddoomiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka hadlay arrintan ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay ka gaabisay siyaasadda arrimaha dibedda, wuxuuna intaas ku daray in xukuumadda ay sheegtay in ay qaadacday shirkii Brussels, haddane ay hoosta ka wakiisheen Faysal Cali Waraabe, isaga oo ka dalbay in ay arrintaas kala caddayso.

Faysal iyo Wadahadalada

Faysal waxa uu qayb ka ahaa inta badan wadahadaladii dhexmaray Somaliland iyo dowladda federaalka.

Waxa uu la kulmay labadii madaxweyne ee Soomaaliya ee xilka isaga dambeeyay, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa, walina ka mid yahay wadahadalada Somaliland iyo maamulka Khaatumo ee Cali Khaliif Galayr.

Faysal waxa uu xukuumadda Somaliland ku taageeray heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World ee dekeda Berbera, halka xisbiga WADDANI uu si adag uga soo horjeedsaday heshiiskaas.

Intaas kaliya kuma uusan ekaane, Faysal waxa uu xitaa u ekaaday in uu afhayeen u yahay xukuumadda marka ay timaado arrimaha heshiiska, isaga oo dhawr jeer warbaahinta ka weeraray dowladda federaalka markii ay heshiiska ka hor timid, waxa uu sidoo kale dhaliilay go’aankii dowladda Jabuuti ay ku joojisay heshiiskii DP World ee dekada Dooraale.

Arrimaha Gudaha Somaliland

Xisbiga mucaaradka ee WADDANI waxa uu hadda ka cabanayaa guddiga doorashooyinka Somaliland iyo qaabka loo maaraynayo doorashooyinka baarlamaanka ee soo socda.

Hase yeeshee Faysal iyo xisbigiisa weli wax hadal kama uusan soo bixin.

Si kastaba ha aahaatee, Prof Bursaliid waxa uu qabaa in Faysal ay ka muuqato qanaaco guud oo uu ku qabo xukuumadda hadda jirta “Balse ma ogin waxa hoose ee ka dhaxeeya iyo haddii uu heshiis jiro”.

Xigasho:- BBC Somali News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker