Duqii Magalada Boosaaso oo La Laayahay Meel uu Jan iyo Cidhib Dhigay

Duqii Magaalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile ayaa la la’yahay muddo todobaad ah, xilli ay baaritaan ka wadeen dowladda hoose, Xafiiska hantidhowrka Puntland.
Sido kale Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya isaga iyo xoghayaha dowladda hoose Cabdirsaaq Axmed Geldon oo isku khilaafay kaarar loogu talagay qoysaska kunool IDPS-ka ama xeryaha barakacayaasha ee Bosaso kuwaas oo gaaraya 1,200 oo si gaar ah lagu eedeynayo inuu taleefoono gaar ah u sameystay maayarku.
Baaritaanka hanti dhowrka ayaa sido kale lagu ogaaday inuu akoono shaqsi ah u sameystay kharashaadkii dowladda hoose kasoo galayay koontoroolka magaalada iyo Xafiiska dhalashada iyo sugnaanta, iyadoo horay loogu shubi jaray bangiga dhexe ee Dowladda.
Dhammaan eedeymahaan kama uusan jawaabin Guddoomiyuhu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker