Gudomoomiya Maxkamda Sare ee Kenya oo Soo Jeediyay In La kala Diro Baarlamaanka Wadankaasi

Tallaabadan ayaa shaqo la`aan dhigi doonta 418-da xildhibaan ee baarlamaanka Kenya.

Xildhibaadan Aadan Keynaan Weheliye oo ah mudanaha laga soo doorto deegaanka Celdhaas ee Ismaamulka Wajeer, gobolka Waqooyi-bari sidoo kalena ah xoghayaha Xisbiga Jubilee ee barlamaanka Kenya, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay yeelan karto labo weji, tan koowaad ayuu ku tilmaamay inay tahay siyaasad uu cayaarayo guddoomiyaha maxkamadda maaddaama uu waqtigiisa dhammaan rabo.

 

“Dadweynaha laguma qasbi karo qeybtan sidaas u soo doorta, waa dimuqraaddiyad. Ninkan waqtigiisa ayaa dhammaaday wuxuu doonayaa wax dalka qalalaaso geliya marka uu tago kaddib, wax socon karana ma aha” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in maaddaama xildhibaannada Kenya ay shacabka soo doortaan, aan baarlamaanka lagu qabsi karin inay saxiixaan wax aysan shacabku rabin.

 

Sharciga muxuu ka qabaa?

 

Qareen Cabdulqaadir Maxamed oo ku magacdheer Cabdiqaadir Lawyer ayaa sheegay inay tahay taariikhda markii ugu horreysay ee maxkamad sare ay ku taliso in lakala diro baarlamaanka Kenya. Wuxuu qabaa in madaxweynaha ay furan tahay inuu ka soo tashado taladaas, maaddaama aysan caddeyn tallaabada xigi karta haddii uusan madaxweynuhu fulin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker