Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha ,David Beckham Oo Doonaya Heshiis Inuu la Saxeexdo Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

 

Halyeygii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee David Beckham ayaa si cad uga hadlay damaca kooxdiisu ku doonayso inay heshiisyo kula saxeexato Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaas oo uu doonayo inuu isugu geeyo hal naadi.

David Beckham oo ah mulkiilaha naadiga Inter Miami ayaa Xili Ciyaareedkan ay markii ugu Horreysay kooxdiisu ka ciyaari doontaa Horyaalka heerka koowaad ee Waddanka Maraykanak ee MLS, iyadoo kulanka ugu horreeyana ay Axadda ka hor tegi doonto  Los Angeles FC .

 

Beckham oo wax laga waydiiyey hadallo suuqa ku jira oo sheegayay in kooxdiisu ay doonayso inay hal mar wada qaadato Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu sheegay inuu aad u jeclaan lahaa, damaciisuna yahay sidaas, laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay caqabado badan oo jira oo ku adkaynaya arrintaas.

 

Falan-qayntaas oo dhamaystiran Halkan Hoose Ka Daawo:

 

\

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker