Wax ishu qabato waxa ugu foolxun “JAAHILNIMO SHAQAYNAYSA”

Jaahilnimo ama aqoon-darro waa xog la’aan qofka ka qabsata arrimo dedan oo aanu waayo-arag u ahayn. Qasab maaha in qofku wax barasho sare yeesho si uu waayo-arag u noqdo ama aqoon ugu yeesho ummuro aanu garasho u lahayn. Weelaynta iyo dhuuxidda aqoon diin iyo mid maaddiba leh ee qof uu cid kale oo lagu kalsoon yahay uu ka kasbado, waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka aqoon-darrada qaarkeed kala baxsada oo wax u tara. Sida la og yahayna qofba qofkuu ka dhegeysi badan yahay ayuu ka garasho iyo dhugmo badan yahay waana furaha aqoonta in wax la dhegeysto balse aan la dhurmin sidii teneg ama daasad madhan.

Akhristow waxan qormadan kooban kusoo bandhigayaa foolxumooyin ku habsadey sannidihii ugu danbeeyey dadka Soomaalida ah taas oo ay horseedday waxa loo yaqaan “Social Media” ama “Media technology”. Dadka isticmaala ama adeegsada farsamooyinkan “social Media” ah waxay isugu jiraan dhowr qaybood kuwasoo kala ah:
Dad u adeegsada gudbinta aqoonta (waxbarashada) iyo is-kaalmaynta togan
Dad maaweelo ka dhigta oo waqtiga isku dhaafiya balse aan dan kale ka lahyn
Qaar lacag yar ka sameeya muuqaallada “youtube-ka” lasoo geliyo oo sheega wax-alle wixii ay doonaan ee ay kusoo jiidan karaan cid alle ciddii ku xidhan.

Qaar cadaawad reereed, bulsho, kooxeed ama mabd’eed u adeegsada gudbinta farriimahooda
Iyo kuwa ugu daranoo ah qaar waswaas iyo waalli nafsadeed haleelay oo isku qaboojiya kuna nafisa dhurankan ka madhan xigmadda iyo aqoonta.

Ka sokow qodobbada dusha ku xusan, waxay dadka ku mamay adeegsiga “Youtube-ku” ka siman yihiin hal qodob kaas oo ah “BEEN MAGAC KU-DOON”. Waxad arkaysaa qof maalintii alle soo godoba soo yuurura Youtube-ka oo ka sheekaynaya qisooyin dad kale kudhacay oo soo maray mararka qaarkoodna qof bay ka waraysanayaan sheekada. Tusaale ahaan haddii qofka la waraysanyaa eed ama dhibaato loo geystey uu ka sheeganayo cid kale oo u geysatey, sideebuu kan soo yuurura Youtub-ku uga markhaati kici karaa warkan looga warramayo.

Hawraar-murtiyeed Somaaliyeed baa tidhaahda “ haddii qof calooshu kasoo dhacday kuu yimaaddo oo ku yidhaahdo hebel baa nabarkan igu dhuftay oo caloosha iga soo ridey, ha rumeysan markiiba ee isku day inaad soo ogaato hebelkan uu sheegayaa inuu dhintay iyo in kale”. Midda kale, ka warramidda dad kale cirdigooda, iyo ummuurahooda u gaarka ah adigoon ka haysan oggolaansho iyana waa dembi iyo gef weyn. Cid cid kale la collowdey oo magac-dil ku samaynaysa ayaa laga yaabaa inay isaga kaa dhigto daacad dadka wacyi gelinaysa.
Nin baa waxa laga hayaa “Alla ayaan daraniyaa, saa maalin walba waxan dhegeysanayaa qof ka hadlaya waxa aanu isaga laftigiisu garanayn”. Markii ugu horreysey ee caabuqa CORONA uu soo daadiyey dadka badan waddanka Ingiriiska, ayaa waxa qabsaday Social media-ha dad wada maqiiqan oo cid walba leh. Waxan xusuusta qof Soomaali ah oo dadka uga warramaya inuu aqoon dheeraad ah u leedahay caafimaadka iyo cudurkan isaga ah isla markaana uu cudurkani yahay cudurka Soomaalidu u taqaan “SAMBAB-ka” oo ku dhaca riyaha. Cajiib!!!!.

Gabyaaga gabaygiisa ugu murtida badani wuxu ku dhashaa markuu dareen weyni laabtiisa gilgilo. Waa sida daruur guyeed oo xilligeedii gaadhey oo omoskii iyo kulaylkii dhulka ka baxaayey cirka sare isku fara saareen ka dibna dhibic kankoosan dhulka kusoo deysey. Hadda iyo dan, waxa maqaalkan igu igbaarey markaan daawadey wiil samaystay degel-wareed la yidhaahdo “Horufadhi media”. Muuqaal-yaraha (Video clip) uu soo baahiyey nuxurkiisa dan iyo muraad uma lihi balse in yar baa iga khusaysa. Waxa ku jira arrin fajiciso igu abuuray oo ah inuu wiilkani si cad ugu doodey in baadhitaan la sameeyey kadib, la ogaadey in Soomaalidu ay tahay dad aan waxba fahmin oo “IQ-goodu” aad u liito. Wuxu raaciyey in Soomaalida carruurtooda iskuullada dhigata ilaa sawir wax lagu tuso mooyee aanay si kale waxba u fahmi Karin.

Fadlan halkan hoose ka daawo oo dhegeyso video-clipkaas isaga ah daqiiqaddiisa 5-aad oo ah clip-ka badhtamihiisa.

Markaan dhegeystey ayaan anigu is weydiiyey “tolow ninkan yaree weriyaha iska dhigayaa IQ waxa uu yahay ma garanyaa mise? Dadka midab kalasoocu dhuuxa iyo lafta hoose ka galay ayaa ku muraadsada in dadka madoow IQ-goodu uu ka hooseeyo dadka kale. IO-gu waa halbeeg (unit) lagu qiyaaso qofka dhugmadiisu ama fahankiisu intuu gaadhsiisan yahay. IQ waxay u taagan tahay “Intelligence Quotient” macnaheeduna noqonayo “Qayb-u-helidda dhugmada ama Dhugta ama waxgarashada” qofba siduu u yaqaanno. IQ sida lagu helo waa qofka garashadiisu da’da uu u dhigmo oo loo qaybiyey da’diisa runta ah kadibna lagu dhuftay 100. Tusaale: kasoo qaad qof 10 jir ah oo garanaya waxa 20 jirku garan karo. Qofkaas IQ-giisu wuxu noqonayaa sidan:
(20/10) * 100 = 200 oo macnaheedu yahay inuu leeyahay IQ aad u sarreeya. Haddaba khiyaamada ku jirta hannaankan isaga ahi waxa weeye in aan la tix gelin duruufaha qofka u gaarka ah sida: Saboolnimada, bay’adda, fursadaha (sida qalabka waxbarashada fududeeya) iwm. Ilmo yar oo wax waliba u diyaar yihiin oo waalidkii casharrada ka caawinayo oo nolol deggan oo bilaa werwera ku nool lama barbar dhigi karo mid intaasba ka arradan si kastuu u maskax badan yahay.

Soomaalida deggan dalka Ingiriisku waxay la kacaa kufi jireen dhibaato ka haysata heerka waxbarashada carruurtooda. Waqti ku siman badhtamihii 2005-tii laga billabo waxa mar keliya la arkay oo lama filaan dowladda Ingiriiska ku noqotay in dhallinyaradii Soomaalidu ay galeen kaalmaha ugu sarreeya waxbarashada dugsiyada sare. Waxan xasuustaa iyadoo wargeysyada magalada London lagu soo daabaco swirrada ardayda Soomaalida ee hoggaaminaya A-da iyo A+-ta. Maxaa is beddeley haddaba? Waxa is beddeley iyadoo la helay waxa la yidhaahdo “Private tuition centres” kuwaas oo bixiya oo dhiga maaddooyinka Sayniska, xisaabta iyo luqadda maadaama aanay waalidkii aanay lahayn aqoon dugsiyeed oo ay ku caawiyaan carruurtooda.

Dhanka kale haddaan ka eego, maraykanka laftigiisa Soomaalida ku nooli waa dad waxbarashada meel sare gaadhey. Markaa yarkan weriyaha inoo sheegtay ma wuxu ina leeyahay Soomaalidaas wax bartay ee wada sita shahaadooyinka waaweyn “sawir baa wax lagu baray”? Waxa kaloo is weydiin leh waa ayo dadka sameeyey baadhistan iyo daraasaddan sheegaysa in Soomaalida uu IQ-du hooseeyo,? Waxan iska cad inaan cidina waxa caynkaas ah ku dhiirrateen inay tidhaahdo waayo waxa ka dhalan lahaa dembi layskula tiigsan karo maxkamad. Sideedaba waxa loo yaqaan baadhis-aqooneedku (Research and case studies), waa mid aad u hawl badan oo aan ciyaar ciyaar lagu soo bandhigi Karin natiijadeeda. Inta aan xog ururinta la billaabin ee lagu dhaqaaqin, waxa qasab ah in oggolaansho laga helo hay’adda u xilsaaran ilaalinta xuqquqda dadka xogtooda la dersayo. Hay’addaasi waxay oggolaataa ama diiddaa codsiga (Ethics approval application Form) ee xog ururiyuhu gudbiyey. Haddii la oggolaado codsiga xog ururinta, deraasaddu waxay maraysaa lafa-gur aad u hawl badan oo ku salaysan aqoonta “itimaalka” ama “Statistics-ka” oo iyaduna xeerar adag leh si aan natiijadu u noqon “bias” ama dhan-u-janjeedh”.

Arrintani waxay I xasuusisay nin deggan gobolka Minisota, maraykanka, oo beryo dhexdaas ah kasoo muuqday television-ka isagoo ku doodaya in suugaanta Soomalidu tahay bilaa murti. Waxan markiiba yaqiinsaday oo ii caddaatay in dadka qaar ay ku dhacday waxa kalsooni-darrada loo yaqaano (lack of Self-esteem). Waxa nafsadda iyo duunka hoose kaga shidma cuqdad uu ka qaado isirkiisa iyo dhaqankiisa iyadoo shaydaan u canbariyo waxan aanu asal iyo ab u lahayn, una dacareeyo inta dhadhanka ka leh noloshiisa dhaqan-dhaqaale. Waa ibtilo ku habsatey dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo aan maskaxdoodu siin karayn inay horumar sameeyaan iyagoo aan daadinayn midhihii faraqooda iyo guntigooda ku jirey.

Waan taraaree aan kusoo noqdo muraadkaygii maqaalkan. Nin reer burco ahaa oo aad u aftahan ahaa baa lagu yidhi “haddaad wax baran lahayd adduunyadaba hadal baad ku qabsan lahayd, sow maaha” dabadeedna intuu aad u qoslay bu ku jawaabey “ Haddaan wax baran lahaa afkaa juuq kama idhaahdeen sababtoo ah waxbaan isku fali lahaa oo waan xishoon lahaa”.
Guntii iyo gunaanadkii, fadlan reer youtuberow wax aydaan aqoon u lahayn ka hadalkeedu kama duwana “jaahilnimo laba lugood iyo laba gacmood leh oo shaqaynaysa” ee isla yaaba.

 

Qore: Cismaan Nuur Ducaale
tiraabe@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker