Mudankii Uun’kow Udgoonaw Rasuulkii Q.2aad

Dhaqanka wacani astaan buu u ahaa cid kastana wuu ku boorin jiray waxaanu yidhi Salaahu Calayhi Wasalm “waxa idiinku akhyaartsan ka idiinku dhaqanka fiican” waxaan idiinku jecelahay kiina ugu dhaqan wanaagsan, muminiita waxa u dhamaystiran iimaan, ka ugu dhaqanka wanaagsan, waxaana ugu akhyaarsan ka dumarka la dhaqan fiican” dhaqanka wanaagsani hal ku dheg buu u ahaa.

Wuxuu ahaa mid dadka fara in dadka la cafiyo oo aan doodda la adkayn, wuxuu la sheekaysan jiray caruurta, Caasha mar la waydiiyay muxuu qaban jiray marka uu guriga joogo, waxay tidhi waxa uu qaban jiray hawl kasta oo guriga ka jirta, balse marka salaada la aadaamo wuu bixi jiray.

Waxa uu booqan jiray reer Ansaareed waxaanu salaami jiray caruurtooda madaxana wuu u salaaxi jiray, saxaabadu iyagoo jecel markay arkaan umay kici jirin waayo waxay ogaayeen in aanu jecalayn taasi, haddii wax la waydiisto wuu bixin jiray ama wuu aamusi jiray, dadka jilicdasan ee muslimiintu way u iman jireen waanu booqn jiray iyaga iyo kooda bukaba, marka la socdana dadka wuu dhex gali jiray si uu u ogaado ka liita waxaanu la fuuli jiray gaadiidkiisa.

Waxa uu badin jiray xuska, hadalkana wuu yarayn jiray, salaadana wuu dheerayn jiray, khudbadana wuu gaabin jiray, dadka  muu karhi jirin, iskamuu waynayn jirin in uu raaco garoobta, miskiinka, adoonka, ilaa ay hawshooda dhamaysanayaan.

Waxa uu fadhiisan jiray dhulka, dhulkuu wax ku cuni jiray, laxdana wuu xidhi jiray, wuu u aqbali jiray yeedhmada adoonka ee laxool heeda, dadka muu riixi jirin mana garaaci jirin, mana celin jirin uduga, waxaanu la ciyaari jiray caruurta.

Caashi waxay tidhi Nabigu Salaahu Calayhi Wasalm kabtiisa wuu tolan jiray, dharkiisan wuu tolan jiray, gurigiisana wuu ka shaqayn jiray sida midkiin gurigiisa uga shaqeeyo, wuxuu yidhi haddii dhudhun ama mijo la iigu yeedho waan aqbali lahaa, wuxuuna yidhi Allaah wuxuu ii waxyooday in aan is dhuldhigno.

Anas ina maalik waxa uu yidhi anoo la socda Rasuulkii Ilaahay Salaahu Calayhi Wasalm uu huwan yahay go’o najraaniya oo dun adag leh, waxa haleelay nin reer miyi ah waxaanu ku jiiday jiidmo adag ilaa aan arkay casaankii raadkiia ay ku samaysay qoortiisa, qabasahdii waxaanu ku yidhi ii amar maalkii ilaahay ee aad hayso, Rasuulkaa Salaahu Calayhi Wasalm wuu eegay ka dibna wuu qoslay kadibna wuu u amray deeqdii, dulqaadka Xabiibka.

Waxaan kasoo ururiyay Kitaabka Shamail Muxamadiyah ee uu Qoray Maxamed Bin Jamiil Saynu. Waxa xigi doona Qaybta 2aad haddii rabi idmo.

 

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Aakaahin@yahoo.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker