Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shirkadaha Dalka Shiinaha Ee Ay Soomaaliya Fasaxa U Siisay Kalluumaysiga.

Hargaysa-(OWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda Somaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,   isagoo dalka dibadiisa ku sugan, ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada socdaalo uu ku marayo dalal ka mid ah Yurub, waxaanu ugu yidhi isagoo ka hadlay heshiiska dhexmaray Shirkada COFA iyo Dawladda Somaliya “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Somaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Somaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin, Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Somaliland ee Somaliya la wareegtay iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Somaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Somaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Somaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa, waxaana jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar aanu wax ka weydiinay safarkiisa iyo socdaalka uu ku joogo Yurub ayaa yidhi “Safarkayagu waa mid ka mid ah waajibaadkayga shaqo iyo xilka aan umadda u hayo, waxaana rabnaa in wadan kasta iyo cid kastaba aynu ka dhaadhicino qadiyadeena iyo waxaynu qabsanay, qof kasta oo reer Somaliland ahna meel kasta oo uu joogo waxaa laga rabaa inuu soo bandhigo qadiyada dalkiisa iyo qarankiisaba, Caalamkana waxaanu leenahay Somaliya iyo Somaliland waa laba dal oo kala gaar ah, mana haboona inaad isku kaaya khaladaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu nahay dal dhinac walba ka dhisan, oo horumar gaadhay, waxaa qudha ee naga dhimana waa aqoonsigaas, dhan walbana waanu kaga fiican nahay Somaliya, heerka aanu marayna wali may soo gaadhin, laba dal ayaanu lixdankii ka hor kala ahaan jirnay, imikana aanu kala nahay, haddii aanu mar isku biirnay, haddana waanu kala baxnay,wadan kasta iyo cid kastaba weynu u soo bandhiayna qadiyadeena iyo qaranimadeena”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker