Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Oo Dib Ugu Soo Laabtey Muqdisho, Si Balaadhanna Loosoo Dhaweeyay Xilli Mooshin Laga Gudbiyey Farmaajo.

Muqdisho-(OWN)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  ayaa galinkii hore ee Isniintii maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib muddo lix bilood ah oo u ka maqnaa caasimadda.

Xubno ka tirsan xisbiga iyo xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,iyagoo kaddibna u galbiyay hoyga uu ka degganyahay magaalada Muqdisho oo 17kii bishii December sannadkii hore ee 2017ka ciidan ka tirsan dowladda ay ku weerarreen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay inuu Muqdisho ku qabannayo isu soo bax uu ku xusayo howlgalkii lagu qaaday hoygiisa, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah ilaaladiisa.
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa howlgalka ku dhaawacmay, waxaana xukuumadda Soomaaliya ay dhigtay xilliga xabsi uu muddo maalmo ah ku jiray,iyadoo markii dambe lagu soo daayay waanwaan ay sameeyeen mas’uuliyiin iyo siyaasiyii beeshiisa ee ku jira dowladda.
Cabdiraxmaan, ayaa horay usoo noqday wasiir, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa musharrixiintii tartanka doorashada la galay madaxweynaha hadda xilka haya ee Farmaajo, doorashadii siddeedii bishii Febuary ee sannadkii 2017-ka.
Soo laabashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay mooshika xilka qaadis ah oo shalay xildhibaanno ka gudbiyeen madaxweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker