“shacbiga Somaliland ee u taagan badbaadada dalka cidna ma hor istaagi karto mana baaqan doono,” Guddoomiyaha Waddani

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook kaga Hadlay Xadhiga Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbigaasi Axmed Cumar Xamarji Waxanu u Dhignaa Qoraalku Sidan :
“Xadhigga loo geystay guddoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani, Mudane Axmed Xaaji Cali Xamarji, waa mid ka mid ah farsamooyinka ay xukuumadda KULMIYE doonayso inay ku wiiqdo bannaanbaxa salmiga ah ee lagu badbaadinayo dimuqraadiyadda iyo dastuurka Somaliland.
Xukuumadda Biixi in aanay sharciga wax dan ah ka lahayn hore ayay u caddaysay, Xamarji iyo masuuliyiinta kale ee mucaaradka ah ee xidhanina waa ay soo bixi doonaan, hase yeeshee taageerayaasha dhiirran ee xisbiga WADDANI iyo shacbiga Somaliland ee u taagan badbaadada dalka cidna ma hor istaagi karto mana baaqan doono, taageerayaashayaduna waa wada Xamarji ee ha ku biyo cabbaan.
Ballanteennu waa badbaadada dalka, dastuurka iyo dimuqraadiyadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker