Haweenka Sacuudiga Oo Codsaday shaqooyin Ragga ay Qabtaan Iyo

Shirkad tareennada ah oo qoronaysa 30 haween ah oo u tababaran inay kaxeeyaan tareennada Sucuudi Carabiya, ayaa waxa ay sheegtay in ay soo gaareen 28,000 oo araaji ah.

Dadka ku soo baxa imtixaanka laga qaadi doono ayaa waxa ay kaxayn doonaan tareennada xawaaraha sare u socda ee u kala goosha magaalooyinka Makah iyo Madiina kaddib tababar socon doona muddo sanad ah.

Waa markii ugu horraysay oo shaqooyin noocan oo kale ah oo haweenka u gaar ah lagu soo dhajiyo Boqortooyada Muslimka ah ee muxaafidka ah.

Women and men in traditional dress in Riyadh, Saudi Arabia

Muddo tobannaan sanadood ah, Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay ka mid aheyd dalalka ugu hooseeya caalamka ee aanay haweenku ka qeyb qaadan shaqooyinka.

Hasayeeshee sanadihii la soo dhaafay dowladda ayaa waxa ay samaysay dedaallo ay sare ugu qaadayso haweenka shaqeeya, taas oo qeyb ka ah qorshaha Amiirka dhaxalsugaha ah ee Maxamed bin Salmaan, kaas oo doonaya inuu ballaariyo dhaqaalaha dalkaasi ee haatan ku tiirsan shidaalka oo kaliya.

Passengers boarding a train at Mecca train station

Sidoo kale Sucuudiga waxaa ka dhacay isbadello dhanka bulshada ah, oo ay ka mid tahay in la soo afjaray xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay gawaari kaxeeyaan, iyo shuruucdii awoodda siin jirta waalidiinta ragga ah ee ah inay haweenka u ogolaadaan inay sida ay rabaan u safraan.

Isbadellada noocaas ah ayaa waxa ay horseedeen, in haweenku ay ka qeybqaata shaqooyinka ay laba laabmaan shanti sanadood ee la soo dhaafay oo ay gaaraan 33%, iyadoo lixdii bilood ee ugu horraysay sanadkii la soo dhaafayna haweenka shaqooyinka galaya ay ka bateen ragga.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ragga ayaa weli qabta inta badan shaqooyinka, gaar ahaan shaqooyinka dowladda, sida lagu sheegay daraasad sanadkii hore uu daabacay Mac-hadka Brookings ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka.

A woman getting out of a taxi in Jeddah, Saudi Arabia

Tallaabadan ay shirkadda tareennada ee Renfe ee waddanka Spain ay darawallada ku qoronayso ayey u badan tahay inay ku soo baxaan tiro yar oo haween ah oo doonayay inay ka howlgalaan hay’adaha dowladda.

Walow isbadel ballaaran oo dhanka bulshada ah la sameeyay, haddana haweenka Sucuudiga ayey qasab ku tahay inay waalidkood ogolaan ka helaan markii ay damcaan inay guursadaan, ka soo baxaan xabsiga, ama ay helaan daryeel caafimaad oo gaar ah.

Kooxaha u dooda xuquuqda aanaha ayaa sheegaya in haweenka ay sidoo kale wajahaan takoor la xiriira guurka, qoyska, furriinka iyo go’aannada la xiriira carruurta.

Maxamed Bin Salmaan

Dhaxalsugaha awoodda badan ee Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo xagga dhaqanka bulshada ah, sida in uu fasaxay muusigii iyo heesihii mudada dheer mamnuuca ka ahaan jirey dalkaasi oo ay ku yaalaan labo ka mid ah saddexda goobood ee ugu barakaysan dunida muslimka.

Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada.

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo ay ka midyihiin in muusiga uu banaanyahay
Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa soo kordhiyay isbadelo ay ka midyihiin in muusiga uu banaanyahay

Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka.

Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.

Taageerayaasha ayaa yimid shalay garoonka kubadda cagta ee King Abdullah oo ku yaalla magaalada Jeddah
Taageerayaasha ayaa yimid shalay garoonka kubadda cagta ee King Abdullah oo ku yaalla magaalada Jeddah

Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada.

Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka.

Isbeddellada Sacuudiga iyo wakhtiyada ay dhaceen

Xayiraadda haweenka ee ah inay kaxeeyaan baabuurta waxay ka mid tahay isbeddellada sanadahan uu keenay dhaxal sugaha 32 jirka ah Maxammed bin Salmaan.

Haweenka Sacuudiga
Haweenka Sacuudiga

Isbeddellada ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

  • Diseembar 2015: Marki ugu horreysay haweenka waxay dhiibteen codkooda, waxayna musharraxnimo isugu soo taageen dowladaha hoose
  • Abriil 2016: Dowladda ayaa waxay xaddiidday awoodda ay leeyihiin booliska diinta ku shaqeeya inay su’aala weydiiyaan ama ay soo qabtaan qayba ka mid ah bulshada.
  • Sebteembar 2017: Boqor Salmaan wuxuu soo saaray amar haweenka u oggolaanaya iney gaari wadi karaan.
  • Sebteembar 2017: haweenka ayaa waxaa loo oggolaaday iney ka qayb qaataan munaasabadaha waaweyn ee dalka ka dhaca iyo Xuska qaranka ugu weyn.
  • Oktoobar 2017: Telefishiinka qaranka ayaa marki ugu horreysay bandhig faneedki ugu horreeyey oo ay heesaheeda ku soo bandhigeyso fannaanadda Umm Kulthum, tobaneeyo sana ah waa marki ugu horreeyey oo arrin noocaas ah la baahiyo.
  • Oktoobar 2017: Dowladda Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in haweenka loo oggolaaday iney ka qayb galaan daawashada cayaaraha laga billaabo 2018-ka.
  • Janaayo 2018: Haweenka ayaa marki ugu horreysay loo oggolaaday iney galaan garoonka ciyaaraha si ay ciyaaraha kubbadda u daawadaan.
  • Febraayo 2018: Mid ka mid ah culumada diinta ee Sucuudiga ayaa sheegay ineysan jirin haweenka wax diiniyan ku waajibinayo inay cabbaayad xirtaan.
  • Febraayo 2018: Haweenka ayaa waxaa loo ogggolaaday iney ka shaqeeyaan Huteellada ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka.
  • Febraayo 2018: Waxaa la qaaday xayiraaddi saarneyd inaan la xusi karin xuska maalinta jaceylka (Valentine Day).
  • Abriil 2018: Sacuudi Carabiya ayaa marki ugu horreysay marti gelisay toddobaadka bandhigga lebiska (Fashion Week)
  • Abriil 2018: Boqor Salmaan ayaa Faransiiska la galay heshiis uu ku sameeynayo fan-muusika qaranka (national opera)
  • Abriil 2018: Waxuu Sacuudiga marki ugu horreysay uu marti geliyey tartanka baayskiilka ee dumarka.
  • Abriil 2018: Boqortooyada ayaa tobaneeyo sana kaddib waxay marki ugu horreysay ogolaatay shaneemo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker