Qarax dhimasho sababay oo lala eegtay gaari maanta marayey duleedka Muqdisho

Muqdisho (OWN) –  duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu haleelay gaari marayey inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qofka ka mida dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari nuuca Kaaribta ah balse aan la xaqiijin in qaraxu uu ku diyaarsanaa wadada iyo in gaariga uu ku dhaganaa.

 

 

Inta la ogyahay ilaa hadda 4 qof ayaa ku dhimatay qaraxaas oo la sheegay inay gaariga saarnaayeen. Ma jirto ilaa hadda xog laga helay cidda ay ahaayeen dadka qaraxa ku dhintay ee saarnaa Gaadhiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo xirey wadada uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo wada howlgallo baaritaano ah.

 

Dad ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu saameeyey isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena ay jiraan dad ku dhaawacmay qaraxaas.

Waddadan ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo badan oo qaarkood lala eegtay ciidamada dowladda, balse ay badankood wax ku noqdeen dadka shacabka ah ee ku safra waddada.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker