Madaafiic lagu tuuray xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho

Wararka hordhaca ah ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa abbaara 2:00 habeenimo wakhtiga Muqdisho in magaalada laga maqlay madaafiic kala duwan kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weriyayaasha Muqdisho  ayaa ku soo waramaya in tirada madaafiicda la tuuray inay gaadhayaan illaa toddoba xabbo, kuwaas oo ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Illaa haatanna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdan. Sidoo kale laamaha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho, wax faahfaahin ah kama bixinin dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashayba.

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo Khamiista berri ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker