Loollanka kala Riidashada Dumaasha KULMIYE Oo Burco Looga Heesay Iyo Wasiir Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi Oo Isku Haysta Xisbiga Ku Qudh Baxay Gacanta Madaxweyne Biixi

Loollanka marna hagbada, marna is-muquuninta ee dummaasha guddoonshaha Kulmiye Muuse Biixi dabadii, ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee ay ku kala calaf qaadayeen labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadda isaggu isu arka dhankiisa inuu yahay Nin Xaraarta-butaystay, oo aan cid kale ku qoor-diyeyn, waxad mooda in ciyaartii kama dambeysta ee lagu kala hadhayey hadda ay u wareegtay garoomada deegaanada beriga, walow Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa labada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar-garoobayo ka qaybgalka ciyaarta soo gunnaanadi doonta loollanka mudada dheer soo jiitameyey.

Sidaas darteeda Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sida lagu sheegay Warar Wargeyska Waaberi uu ka helay ilo arrimahan u dhuun daloola, wuxu ku hawlan yahay sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku dhiirado oo ku wareejiyo dumaasha Xisbiga Kulmiye haddii oo aanu fulinta arrinkan ka war-wareegin, iyadoo sida illuhu tibaaxeen weliba Wasiir Kaahin dhankiisa sii diyaarsadday waxgaradka iyo duqaydii u jilib-carayn lahayd Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha beeshiisa ee kulankaa ku meteli doona,waxaanu ku andacoonayaa Wasiir Kaahin inuu isagu xaq u leeyahay,maddaama oo uu yahay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga.

Geesta kale, marka loo kuur-galo arrinka, gaar ahaan cidda ku haboon la daawaysiga Kulmiye ee Muuse Biixi, waxad mooda in hadda la joogo waqtigii bur iyo Biyo loo kala baxayey, sidaas darteedna dhamaan xubnihii xilkan quul-darraynayey laftooda qaarkood hadda quus-teen, halka kuwo kale, oo dar-dartooda qaba iyanna Ciyaarta jaanta lasoo galeen. Tusaale ahaan, Mujaahid Maxamed Kaahin ahna Gudoomiye-ku-xgeenka hadda ee Xisbiga Kulmiye, sidoo kalena marka laga soo tago summada reernimo ah shaqsi ugu mudan in lagu foolladeeyo dumaasha jagada Gudoomiyaha Kulmiye, ayaa sida Wararka amuurtan la xihdhiidha lagu sheegayo, waxa uu isagu hore uga doortay xilka guddoomiynimada Xisbiga KULMIYE Wasiir markii uu Muuse ku guullaystay kursiga qasriga, kaas oo noqday Nin hun-gurigii jagadaas ka hayey u hibeeyey saaxibkii Muuse Biixi, isla markaana hoos ahaan u siiyey inshaaro uu hore u soco ku leeyahay Madaxweyne iyo Guddoomiye.

Hase-yeeshee, markaad usii-dhabbo-gasho mullaaqa Siyaasadda ee hag-badeysan ee Xisbiga Kulmiye daah-furay, waxad moodaa markale in xaalka arrinka Kulmiye noqday Faannoole fari kama qadno, oo sidii qori isku dhiibka hir-markii la dhaafaba uu mid kale soo baxayo, waxa taasna u daliil ah dardarta cusub ee ay la soo baxeen siyaasiyiin Barriga Burco ee hun-guraynaya jagadaas,kaddib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi dhawaan ka dhex shaaciiyey xafladii xuska 20 guuradda KULMIYE inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE “Maanta aniga waqtigaygii guddoomiyaha xisbigu waa gebogebo, dhawaanna waxa diyaar loo yahay in guddoomiyihii xisbiga la doorto, waxana aan idiin sheegayaa bahda KULMIYE inaanu KULMIYE arrintaas khilaaf ku geli doonin ee uu wixiisa sii dhammaysan doono, isaga oo midaysanna uu shirka iman doono sidii looga bartay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, marka la isku wada geeyo dhaq-dhaqaqyada socda, dhawaaqyadii kala dambeeyey ee odayaasha bariga Burco qaarkood kasoo yeedhayey, waxaad mooda in Alle is badday inay is-wajahaan Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin iyo sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagga laftiisu markii mushkiladaha Kulmiye iyo xukuumaddu isu dhii-dhiibeen hadda aad moodo in aanu kala jeclayn Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin,balse uu eeganayo dantiisa gaarka ah meesha ay ku jrto wakhtigan.

Xigasho Wargeeyska Waaberi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker