5 Qodob Oo Lagu Horumariyo Diirad-saaridda Hawlaha

Diirad saaridda hawluhu, waa dareenka dhugasho ee aad ku qaabisho hawsha aad qabanayso iyo xiisaha xamaasadeed ee aad u hayso; kuna joogtaynayso dhammaystirka hawsha aad ku gudo jirto ilaa aad ka dhammaynayso; adiga oo aan hawl kale ku dul qabanayn ama aan si kaleba uga mashquulayn.

Qof walba waxa uu jecelyahay, in uu ka midho dhaliyo hawlaha ee shaqo ee uu u gacan qaado, balse nasiib darro badankeenu taas kuma guulaysano; sababta ugu weynina waa in aynaan si fiican u aqoonin xirfadda diirad saaridda hawlaha.

Daniel Goleman, ayaa isaga oo ku sharraxaya buuggiisa (The Hidden Driver of Excellence) oo noqonaya macno ahaan dhaqaajiyaha qarsoon ee wacnaanta, ayaa uu ku sheegay in ay jiraan laba ilood oo waawayn (2 main sources) kuwaas oo keena in uu qofku ka jeesto hawl uu gacanta ku hayo, waxay kala yihiin:

1: waxyaabaha hareerahaga ka dhacaya (Sensory distractions)

Tusaale: Haddii adiga oo buug akhriyaya; fadhiyana qol ka mid ah qolalka guriga aad ku nooshahay, ay laba qof oo wada sheekaysana ama kaftamayaa ay ku soo ag fadhiistaan, waxa ay noqonaysaa in aad ka baxdo si aad akhriska u sii wadato; ama aad la qasato oo aad halkaas ku ilowdo wixii aad akhriyaysay ama wakhti badaniba kaaga lumo.

Inta badan ardayda waxa ku dhacda; waqtiyada wax akhriska ay ku balamaan ee ay maktabad ama masaajid ay yimaadaan in qayb ka mid ah kooxda wax wada akhrisanaysaa ay meesha keenaan dood ama sheeko xiiso leh, taas oo meesha ka saarta in toos wax loo akhriyo, qofkii ugu soo talo galay in uu wax akhriyo ee ay ka go’naydna oo kaba xanaaqo oo uu meel gooni ah u baxo ama uu iskaga tagaba. Markaas waxyaabaha hareeraheena ka dhacaya waxa ay keenaan in aynu ka mashquulno hawsha ay tahay in aynu fulino; haddii aynaan iska xakamayn.

2: Dooda iyo fikiradda ka dhex guuxaya maskaxdaada (Emotional Distractions)

Haddii aad adiga oo wax akhriyaya ama qorshe dajinaya aad haddana isku furto ka fikirka hawlo kale, waxa lumaya ujeedkii aad ka lahayd hawsha aad qabanayso, waxaana laga yaaba in aad sidaas ku ilowdaba wixii aad wadday sida fikirba fikir kuugu dhiibayo danbayna aad ka caajisto in aad dhammaystirto hawshii aad wadday ama ay waqti badan kaa qaadato fulinteedu.

Sideedaba maskaxdu ma wada qaado laba dareen oo is barkan, sida nacayb iyo jacayl ama farxad iyo murugo.

Bal aynu isla eegno 5 qodob oo aad ku xoojin karto diirad saaridda hawlaha, si looga gun-gaadho……

 

La soco qaybaha danbe……

 

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker