Boqorka dalka Belgium-ka oo Booqanay Congo

Boqorka dalka Belgium-ka, boqor Philippe ayaa Salaasadii booqasho taariikhi ah ku tegey dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku yaalla gobol ay si naxariis darro ah ula dhaqmeen ugana faa’iidaysteen gumaystihii dalka Belgium, xilligii ay dalkaas maamulayeen.

Safarka boqor Philippe oo qaadanaya muddo lix maalmood ah ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxweyne Felix Tshisekedi, waxaana safarkani leeyahay muhiimad gaar ah isaga oo ku soo beegmaya laba sano ka hor, markii uu boqor Philippe uu sheegay inuu aad uga xun yahay dhaawacyadii dalkaas ka soo gaadhay xilligii ay dalkaas gumaysanayeen.

Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Boqorku ku tago dalka Congo tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa waxaa la qorsheeyey in looga faa’iidaysto fursad dib u heshiisiineed oo lagu dhayayo boogihii iyo tacadiyadii uu geystay maamulkii gumaysiga ee dalka Belgium xilligaa ay ka talinayeen dalka Congo.

Booqashada boqorka ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo bishii June ee sannadkii 2020 si loogu beego dabaaldegga sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida dalka Congo, hase ahaatee safarkaas ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha xanuunkii COVID19 ee xilligaas dunida ka dillaacay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker