Hogaanka Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Wakiillada Ugasoo Baxay Dalka

Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa shalay kulan qado sharaf iyo wadatashi ah Hotel-ka Ambasadoor ee caasimadda Hargeysa kula qaatay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga WADDANI ka soo baxay ee dhammaanba Gobollada dalka oo dhan kuwaasi oo ku soo baxay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Musharraxa Madaxweyne Xigeen Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha Kumeel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin mudaneyaasha xilka wareejinaya ayaa xog warran mug weyn oo ku aaddan waayo aragnimadooda shaqada Golaha Wakiillada siiyay mudaneyaasha cusub ee WADDANI uga soo baxay dalka.

Sida oo kalena waxa lagula dardaarmay mudaneyaasha sidii ay uga dhabayn lahaayeen waxyaabaha bulshada Somaliland ka filayso ee ay Qaranka ugu igman yihiin iyo sidii ay ugu adkaan lahaayeen siyaasadda Xisbiga WADDANI ee ay ka soo baxeen, islamarkaana xoogga u saari lahaayeen sidii Isbahaysiga Mucaaradku ugu guulaysan lahaa shir guddoonka Golaha Wakiillada.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulankan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in ay WADDAN iyo xildhibaannadiisu isla jeexjeexeen meelna isla dhigeen sidii ay xisbiga UCID ugala shaqayn lahaayeen gaashaan buuraysiga siyaasadeed ee ay iskugu kaashadeen sidii ay u qaadan lahaayeen shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo muhiimad ballaadhan ug fadhiya wakhtigan iyaga oo u wada xubno muhiim xisbiga uga ah oo ay doonayaan in ay noqdaan shirguddoonka.

Mudaneyaasha ayaa dhankooda ka hadlay qorshahooda iyo sida ay uga go’an tahay taabbo-gelinta masuuliyadda loo igmaday iyo ku shaqaynta siyaasadda xisbiga wakhti ay hore u dhici jirtay in xildhibaannadu xisbiyada ay ka soo baxaan isaga tagaan oo xisbul xaakimka isugu biyo shubtaan taasi oo ay meesha ka saareen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker