Hadday gobanimadu cid noqon lahayd, qofafkay noqon lahayd!

Gobku, waa geed-qodaxeed leh midho la cuno oo gu’ iyo jilaalba la dheefsan karo, waana sababta qofka dhaqanka wanaagsan ee loo bogo yeesha xilliga adag loogu magacdaray gob. Gobonimaduna waa gob ahaansho, waxaanay yeelataa macne kale oo ah xornimo iyo madaxbanaani.
Habdhaqanka wanaagsan ee qofka waxa haga anshaxa, oo ah indhaha uu qofku ku arko waxa xun iyo waxa san. Anshahaxana waxa garaadka ku gunta damiirka oo fara wanaaga xumaantana ka reeba. Dadka ku sifooba gobonimadaasi waxa ay yeeshaan sifooyin ay ka mid yihiin:
Garasho
Garawshiiyo
Saamaxaad godob
Sooryo gacal
Abaalgelis
Abaalgudis
Sifo ah halka ay u dhimmatay oo ay gobtu ku sifoobaan baa ah in aanay gu’ iyo jilaal is midab gadiyin oo xilliyada adagi ee xaalku noqdo laba daran mid dooro aanay ka tagin wanaagi hore dhaqankeeda loogu bogay. Maxamed Nuur Fadal baa gabay ku lahaa isagoo astaanta gobonimo inoo bidhaaminaaya:
“Gob baa laga sinaa jeer abaar guuraysaa timide
Nasab waxaad ku garataa habbeen laysku soo galay”
Deeqsiga runta iyo raaciyaha waxa la kala gartaa markay abaar gaag-ma-reebta ahi dhacdo ee ee wax la soo bido. Deeqsigu dharaartaas ayuu hoo iyo haye ku hagar baxaa xilli hayni gabaabsi tahay, isagoon dan gaar ah iyo dad iska dhaadhicin wadin. Sidaaso kale ayaa gobta la bartaa markaas xilligu gudho ee go’aan suuban oo taariikhda gala uu guddoonsado. Halkii Abeesadii ninkii dhawrka jeer balanka uga baxay ee ay faalka u sheegtay markii barwaaqada la galay ee uu xoolaha u keenay ay ku tidhi waxa wacani adiga maahee waa wakhtiga, gobonimada qofeed xilliga la bartaa waa wakhtiga adag. Dadku muuqa, magaca iyo meelo badan waa iskaga mid xilliga caadiga ah laakiin marka xaalku adkaado ayaa waxa soo baxa wax aan qaar la moodayn oon laga malaysan karin ooy ka mid yihiin: munaafaq labba-codleeya, daalin fursad gaadis waday, sac nugul oo leexda, nin rageed waayaha gobonimo kaga gudba oon gamayin iyo qaar kaloo badan. Tafobuuxsiga iyo danaysiga indho la’aanta ah ee damiirka qalajiya, dadnimadana iilka dhiga ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu gumoobo xilliyada gudhan. Sheekh iyo shariif, wadaad iyo waranleh, nin iyo naag, sindheer iyo soojireen, madax iyo mijo, culumo iyo caamo iyo cayn kastoo dadka ka mid ahi ka siman cid damiirkiisu ka badbaadiyo mooyee.
Gobonimada la mutaysto xilliga adag bal ila eega. Hadday gobonimo qof noqon lahayd aan ugu horaysiiyee waxa noqon lahayd Ismaaciil Sheekh Axmed(Cagaf). Wuxuu ka mid ahaa dadkii uu hootada jacaylku gamaa ay wadnihiisa halgaadeen. Wuxuu boholyow u hayay inaabtidii oo iyada mooyee dumar kale uu digaag u haystay. Waxaase ayaan lagu wargaliyay isagoo Ood-wayne jooga in inantii uu jeclaa ay ka dhoofayso Hargaysa. Baabuur u ciidamiya ma haysane cagaf uu beeraha ku qodayay ayuu miciin biday markaasu weliba ugu hawraaray:
“Cimrigay cagafeey caawaan ku baryee
Cagtaadan balaadhan ee culusiyo
Codkaagu muxuu daweeyaa”
Iga gaadhsii siduu u lahaa ayaa markuu soo gaadhay loo sheegay in diyaaraddii ay raacday ay duushay, markaasu haddana hello kale ku yidhi:
“Baabuur baa la raraa bil iyo laba
Bariidada aad ka bogataa
Biligtaa qudha baa balaaya”
Waatan koobka gobonimada midhkuu ku qaatee, markii inantii laga guursaaday ee nin ka jeeb roon ay raacday maalinta adag inan rageed badankooda waxa laga fishaa in uu yidhaa nafsi baan ku raacshay, lacag jeceleey ama sidii Gaariye uu yidhaa jid kastaaba kaa xidhan ama uu Todobaatan midablay iyo Hadraawi uu u saaro balse Ismaaciil calool-adayg waa Alle wehelkiiye si gobonimo leh ayuu gabadhii u gelbiyay isagoon eedda isaga iyo iyada toona saarin ee calaf caashaqa xabaala u xambaariyay :
“Sed iyo calaf baa sidaa wax yidhee
I seegataye samo ku noolow”
Bal malayso gobonimada lafaha kaga jirtay iyo sida uu gunnimo uga fogaa ninka gabadh laga guursaday ninkii ka qaaday iyo gabadhii nin kale ka raacday labadaba duco iskugu daray:
“Nasiibkaygaa I nacaseeyee
Noolada adiga iyo ninkaaguba”
Gobonimada kale ee qofowday waa hal-abuurkan mar-la-araga ee curiyay heestan hoose. Markii caashaq boggiisa iyo beerkiisa biyo-dhigay oo beryo boholyow uu la luudayay, inantii wadnihiisa gantaalaha jacayl ku gantay laga guursaday ee axdigii ka dhaxeeyay ee in la reereeyo oo caashaqa rug xalaala lagu dakeeyo ahaa burburay ayuu maalinta adag gabadhii galis ducada iyo gobonimo iskugu daray oo ku yidhi :
“Aniguna kumaan gabin
Adna iima goynine
Waayaha ina gaabshee
Haddii guri aad leedahay
Oo lagula aqal galay
Geel iyo gammaan faras
Waxa gole la keenaa
Arin aad gorfaysoo
Aan gocosho reebine
Way garasho waayeel
Haddaan gacan ku siiyee
Anna gob iyo caadkeed
Ayaan kugu gelbinayaa
Gefna maanta samaynine
Calaf baa halkaa galay
Aad galabta joogtee
Ubad kuu gargaaran
Aroos kaaga geeyoo
Duco aan gaboobayn
Ayaan kugu gelbinayaa
Doqon baa gu’ iyo dayr
Kala garan mid ay tahay
Hadba dhinac u guuree
Kalgacaylka guunkii
Inuu gaaxo mooyee
Sidaa kuma gaboobee
Gelbiskana go’ iyo shaal
Hidaheena gaarka ah
Ubax gun iyo baar baxay
Ayaan kugu gelbinayaa
Farxad aan gaboobayn
Ayaan kugu gelbinayaa”
Raggaas iyo rag kale oonan qalinka ku dhigaalin waa gobonimo qofaf noqotay!
21/Soonfur/1441
12/June/2020
Hakisbila(Jimce)
Cabdi Ismaaciil Naaleeye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker