Putin oo Digniin Ka Soo saaray Weerarada uu Ku Hayo Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa ballaarin doontaa weerrarka ay ka waddo gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedka ay hubka ridada fog u soo diraan, Ukraine sidaasi waxa sheegay madaxweyne Ruusha Vladimir Putin.

Digniinta ayaa imanaysa xilli Axaddii qaraxyo ay gilgileen qeyba ka mid ah magaalada Kyiv, taas oo ah weerrarkii ugu horreeyay ee caasimadda lagu qaado muddo todobaadya ah.

Ruushka ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday taangiyo ay soo dhiibeen dalal reer Yurub ah. Ukraine-se waxa ay sheegtay in goobtaasi ay aheyd warshad lagu dayactiro khadadka tareennada.

Caasimadda ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay duqeymo aanan badneyn kaddib markii Ruushka uu dedaalladiisa isugu geeyay gobolka Donbas.

Xilli Ruushka uu halkaas – boqollaal kiilomitir oo bariga ku yaal – ka samaynayo horumar gaabis ah balse sugan ayaa dhowr dal waxa ay ku yabooheen inay Kyiv u diri doonaan hub casri ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu hannaanka gantaallada ee sare ee HIMARS uu Ukraine u diri doono, hubkaas oo ka kooban gantaallo la hago kuwaas oo garaaci kara bartilmaameed 70km ka fog meesha ay yaallaan, hubkaas oo gaari kara wax ka badan inta ay gaaraan aartelariga ay haatan Ukraine haysato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker