Nin ka Qeyb Qaatay Bur-burinta Masjidkii Babri Ee India ,oo Islaamay ka dibna Dhisay 90-Masjid.

Nin qeyb ka ahaa burburinta Masjidkii  Babri ee kuyaalay Magaalada Ayodha ee dalka Hindiya sannadkii 1992 ayaa qaatay diinta Islaamka, wuxuuna ninkani dhisay in ka badan 90 Masaajid Waan Hidaayadda Rabbi .

 

“Waxaan u Nadray inan Masjidkaas u burburiyo Ilaahaygii Aan Aaminsanaa ee  Ram oo kaddibna uga dhiso macbad, laakiin markii aan Islaamay isla Ee aan Garowsaday gefkii Aan ku dhacay waxaan balan ku qaaday inaan dhiso 100 masaajid,” ayuu yidhi Balbir Singh oo hadda ah Muslim.

 

Wuxuu kamid ahaa koox Hinduu ah oo Sannadkii 1992 burburiyay Masjidka Babri ee ku yaal Ayodha taas oo ay daba Socotay Rabshado iyo iska hor imaad ay ku dhinteen 2,000 oo u badan Muslimiin.

 

“Markii aan burburinay Masaajidka, waxaan ku laabanay guryahayagii  halkaas oo sidii Geesiyaal naloo soo dhaweeyey.” ayuu yidhi. “Laakiin marnaba ma dareemin deganaan ruuxi ah.”

 

Sidaas darteed wuxuu la kulmay Wadaadka daaci ah Oo Islaam ah laguna Magacaabo  Maulana Kaleem Siddiqii. Kaddib faham buuxa oo uu ka qaatay  micnaha Xeesha dheer ee diinta Islaamka, bishii Dec sannadkii 1993 ayuu islaamay.

 

Maanta, Singh oo magaciisa u bedelay Mohammed Amir, wuxuu guursaday gabar Muslimad ah, wuxuuna hoggaan u yahay madrasad Islaami ah oo ku taal Hyderabad, waxa uuna dhisay ilaa 90

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker