Maraykanka oo Duqaayn ku Dilay saraakiil Al shabaaba

Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaaciyey in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen degaanka Beerxaani ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Shan xubnood ayaa la xaqiijiyey in duqeyntaas looga dilay argagixisada Al-Shabaab, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka waxaa ka go’an inay ciribtirto kooxaha argagixisada ah, si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker