Wasiir Ka tirsan Xukuumada Somaliland Oo Khamiista Ku Dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed Cusub

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maalinta khamiista ah ku dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi.
Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo maalmihii u dambeeyey kulamo is daba joog ah la yeelanayey Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ah, oo uu kala tashanayey damaciisa Urur-siyaasaddeed, ayaa waxa uu ka dib kulamadan si rasmi ah u shaacin doonaa Urur-siyaasaddeedkan Waaberi, maalinta khamiista ee 31-bishan March.
U diyaargarowga xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Hargeysa, iyada oo ku dhawaaqista Ururkan ay ka qayb geli doonaan dadweyne kala duwan oo ka kala iminaya gobollada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker