Dhinacyada ku Dagaalamay Yeman oo Markale Gaadhay Xabbad-joojin

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ahayd in dhinacyada ku lugta leh dagaalka dalka Yemen inay ku heshiiyeen inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojin dalka oo dhan ah muddo laba bilood oo kale ah.

Dedaalada dib loogu cusboonaysiiyey xabbad-joojinta ayaa rajo gelinaya dadweynaha dalkaas ku nool oo sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ku dhex noolaa dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socday, hase ahaatee weli waxaa jira caqabado kala duwan oo ku gedaaman in la gaadho nabad waarta oo si rasmi ah loogu soo afjaro colaadda dalka Yemen.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen iyo weliba mucaaradka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa dhaqan gashay 2-dii bishii April ee sannadkan, inkasta oo marar kala duwan uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyey inuu ku xadgudbay heshiiska xabbad-joojinta ah ee la gaadhay.

Dib u cusboonaysiinta xabbad-joojinta dalka Yemen ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay ku ekayd inay dhamaato xabbad-joojintii hore ee labada bilood ahayd. Qaramada Midoobay ayaa dedaal badan ku bixisay sidii natiijo iyo is-faham looga gaadhi lahaa colladda dalka Yemen, iyada oo ka odayaysay in heshiiska xabbad joojinta ah la gaadho.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker