“Soomaaliya Wali Waxaa Ka Jira Afduubka Iyo Dambiyo Kale Oo Ka Dhaca Soomaaliya Oo Ay Ku Jiraan Somaliland, Iyo Puntland “Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Soomaaliya + Sababta.

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin dhanka socdaalka ah oo loo jeedinaayo muwaadiniinta u dhashay dalkaasi inaysan u safrin Somaliya.

Warbixin ka so baxday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kaga digaayo muwaadiniinta u dhashay dalkiisa inaysan aadin Somaliya.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Somaliya wali ay ka jirto qataro dhanka ammaanka ah ,sida dilalka qorsheysan, afduubka hanjabaadaha iyo falalka kale ee amnidarada ee Somaliya ka dhaca.

“Somaliya wali waxaa ka jira Afduubka iyo dambiyada kale ayaa ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, waxaana ku badan jidgooyada sharci darrada ah” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxaa kale oo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay wali kooxaha argagixisada inay qorsheynayaan fulinta dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay la beegsadaan goobaha dadka ay ku badan yihiin sida Hotelada, Suuqyada iyo goobaha kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker