Arday ay ku Qaadatay 60 Sano inuu Qaato Shahaadada Dugsiga Sare.

Ted Sams oo haatan ay da’diisu tahay 78 jir, wuxuu ku nool yahay gobolka California ee dalka Maraykanka. Toddobaadkan wuxuu ka qalin jebiyey dugsigiisii sare, ka dib markii uu muddo 60 sano ah niyadda ku hayey inuu maruun gacanta ku dhigo shahaadada dugsigiisa sare, hase ahaatee aanay duruufuhu u saamaxin.

Ted Sams ayaa ugu dambayn toddobaadkan ka soo muuqday xaflad qalin jebineed oo ka dhacday dugsiga sare ee San Gabriel ee ku yaalla koonfurta gobolka California. Isaga oo xidhan dharka qalin jebinta oo faraxsan ayuu guddoomay shahaadada dugsiga sare.

Sannadkii 1962-kii, xilligii uu Ted Sams dhiganayey dugsiga sare, waxaa soo waajahday dhibaato sababtay in dugsiga laga eryo muddo shan maalmood ah, wakhti ay ku beegnayd xilligii loo fadhiisanayey imtixaanaadka sannad dugsiyeedka. Tallaabadaasi waxay keentay inuu dhaafo ama aanu ka qaybgelin imtixaankii sannad dugsiyeedkaas oo ahaa kii ugu dambeeyey, waxaana uu Ted Sams ku khasbanaaday inuu imtixaanka dhaafay uu galo, badhtamaha sannadka ku xigay.

Markii laga soo laabtay fasaxii ee uu Ted Sams dib ugu laabtay dugsigii, nasiib darro, waxaa loo diiday in la siiyo shahaadadiisii dugsiga sare, sababtoo ah waxaa laga doonayey inuu bixiyo lacag gaadhaysa $4.80-dollar oo lagaga lahaa buug uu qaatay, sida uu u sheegay telefishanka KABC TV.

Ted Sams ayaa xilligaas go’aan ku qaatay inuu iskaga tago dugsiga oo uu iska illaawoba qalinjebinta dugsiga iyo helista shahaadadiisa dugsiga sare. Hase ahaatee dugsigiisii sare ee uu dhigan jiray, iyaguna weli way hayaan shahaadadiisii, iyaga oo ku xereeyey meelaha lagu kaydiyo alaabooyinka loo iman waayo.

Laakiin dhacdadani waxay noqotay mid maskaxdiisa ku soo noqnoqota, 60-kii sano ee ugu dambeeyeyna wuxuu ku riyoon jiray inuu maruun qaato shahaado dugsi sare, si uu u noqdo qof ka qalin-jebiyey dugsi sare.

Ted Sams ayaa sheegay in sannadihii la soo dhaafay uu caruurtiisa uga sheekayn jiray, sida lacag qadarkeedu gaadhayo $4.80 ay uga hor istaagtay inuu helo ama qaato shahaadadiisa dugsiga sare maadaama aanu xilligaas haysan lacagtaas deynta ah ee dugsigu ka rabay.

Maadaama haatan uu qaatay shahaadadiisa dugsiga sare, Ted Sams ayaa sheegay inuu ku dhejin doono derbiga ama gidaarka gurigiisa.

Associated Press

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker