Xukuumada Somaliland oo ka hadashay ciidamo ay Puntland leedahay oo ku sugan Buuhoodle

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay ciidamo uu mamulka Puntland usoo diray magaalada Buuhoodle, ayaa sheegtay in anay diyaar u ahayn in ay ciidanka la dagaalanto.Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ku sugnaa barnaamij dadweynuhu su’aalo ku waydiinayeen, oo wax laga waydiiyay ciidamada ayaa sheegay in Somaliland ay dhowrayso badqabka shacabka Buuhoodle, isla markaana anay ku kici doodin wax masuuliyad daro ah.”Somaliland waxay ka taxadaraysa … farsamooyinka masuuliyad darada ah, ee siyaasad wayn oo macno lehna aan ku salaysnayn, in ay intay inaga dhex dhacdo dagaal sababto oo dadka shicibka ah iyo inaga ina saamayso, waynu u leenahay awood lakiin, waxaynu diidayna dagaal meel cidlo ah ka bilaabma oo mandaqada saameeya” ayuu yidhi Kaahin.
Wasiirku waxa uu sheegay in dadka Buuhoodle yihiin shacab lamid ah dadwaynaha kale ee ku dhaqan gobolada kale ee Somaliland, isla markaana anay rabin in wax dagaal ahi ka dhaco magaaladaas.

“Dadka Buuhoodle jooga, dadka Hargaysa jooga ayuu lamid yahay, dadka Gabilay jooga ayuu lamid yahay, dadka Laascaanood jooga ayuu lamid yahay, waa dad reer Somaliland ah, markaa in dagaal halkaa ka dhaco oo dadka siyaasada noocaas ah wataa ay sababaan waynu ban baaninaynaa” ayuu yidhi Kaahin.
Maamulka Puntland ayaa dhawaan ciidamo boqolaal ah u diray magaalada Buuhoodle, ciidamadaas oo la arkayay iyaga oo lug ku maraya magaalada

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker