Wiil Dilay Sheekh Caan Ah Oo Qur’aan Saarayey Dalka Australia

Wararka ka imanaya   dalka Australia ayaa waxaa ay sheegayaan in dalka Australia  lagu dilay nin Soomaali ah oo siweyn loo yaqaanay ahaana Sheekh Caan ah.

Dilka loo geystay ninkan Soomaaliga ah ayaa sigaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Melbourne, isla markaana waxaa dilkaas loo adeegsaday toorey ama Mindi.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay inuu dilka u geystay Wiil dhalinyaro ah oo uu saarayay Qur’aan, isagoo qeybaha sare ee Jidhka kaga dhuftay tooreey uu watay.

“Waxaa dilay wiil dhalinyaro ah uu quraan saarayay, marki quran Saarka lagu bilaabay ayuu wiilka dhinaca jikada mindi kasoo qaatay kadib sheekha ayaa isku dayay in uu ka qaado markasuu ku dilay Allaha unaxariisto” ayuu yidhi qof ku sugan Australia.

Dad Soomaali ah oo ku sugna Melbourbe ayaa markii hore gurmad u sameeyay Sheekh Maxamed oo ula cararay xarun Caafimaad, si loogu daaweyo, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker