Shirkadaha Korontada Hargeysa oo Sare u Qaaday qiimsha Laydhka

Shirkaddaha korontada magaalada Hargeysa ayaa sare u qaaday qiimaha Korontada, iyadoo shir ay isugu yimaaddeen Madaxda shirkaduhu ay ku heshiiyeen in halka Unit (1) ee korontada ah qiimihiisu noqdo $0.84, halka markii hore uu ka ahaa $0.5.

Sidoo kale, qiimaha Korontada magaalada Berbera ayaa sare u kacay, iyadoo halka (1) Unit laga dhigay $0.49, halka markii hore uu ka ahaa $0.39.

Xukuumadda Somaliland ayaan iyadu ilaa hadda war Rasmi ah kasoo saarin qiimaha ay sare u qaadeen shirkaddaha korontadu.

Shacabka Somaliland ayaa iyagu la daalaa dhacaya qiimaha maciishadda iyo shidaalka oo cirka isku shareeray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker