Wasiir Toorno oo war cusub kasoo saaray xil wareejintii gudoomiye Daa’uud Gadhweyne.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Toorno ayaa warqad xafiiskiisa ka soo baxday oo uu ku socodsiiyay Hanti-dhawaraha guud ee Qaranka Somaliland ayuu ku sheegay in Xafiiska Hantidhawrka Qaranka uu keeni waayay Qodobada sharci ee ay ka codsadeen inay keenan ee diidaya inuu xilka wareejiyo Agasimaha Maamulka iyo Lacagta ee loo magacabay Xafiiska Imtaxanadka Qaranka.

Sidaas Awgeedna Maamuska Masuuliyada qaran ee saaran awgeed ay aqbaleen in muddo labba toddobaad ah dib loo dhigo Xil wareejinta Agasimaha Maamulka iyo Lacagta hadii Xafiiska Hantidhawrku intaas ku dhamaysan waayo baadhista Wasaaradu go’aan ka gaadhi doonto talaabada ay qaadayso.

Wasiir Toorno ayaa warqada uu diray Hantidhawrka ugu danbayn ku yidhi Sidan,

“Waxaa nala haboon inaan Warbaahinta iyo Baraha bulshada lagu faafinin warqaaha ay isu qorayaan laamaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso, si aanay muwaadiniintu ugu fahmin inaanay wada shaqan togan ka dhaxayn laamaha Dawlada oo aanay uga lumin kalsoonida ay Dawladooda ku qabaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker