“Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed, cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno”

Madaxweynaha  Maamulka  Puntland Ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Maxamed, oo   khudbad ka jeediyay xuska 1-da Luuliyo, ayaa sheegay in uu wada-hadallo la gelayo xukuumadda  Somaliland oo khilaaf xuduudeed kala dhexeeyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay wada-hadal diyaar ulaa tahay, cid kasta oo Soomaaliyeed, haddii ay koonfur ahaan lahayd iyo haddii ay waqooyi ahaan lahaydba, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira.

 

“Hadday tahay waqooyi iyo hadday tahay Koonfur iyo Galbeed, cid kasta oo diyaar u ah in lala hadlo diyaar baan u nahay in aan la hadalno” ayuu yidhi Madaxweyne Siciid Deni.

 

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland, si aanuu  uga raacin magacii xumaa ee ka raacay doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker