Qarax ka dhacay Maqaayad Hindi Leedahay Oo Ku Taalla Dalka Canada

Booliiska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla gobolka Ontario kadibna ay aalad ku qarxiyeeen.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex qof ay si darran ugu dhaawacmeen qaraxa oo habeenkii khamiista ka dhacay maqaayadda Bombay Bhel ee magaalada Mississauga,ee gobolka Ontario.

 

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 12 qof oo kale uu dhaawac fudud kasoo gaadhay qaraxa, Dadka lagu tuhmayo qaraxan ayaan la qabin.

 

Sidoo kale ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, Booliiska ayaa dadweynaha ka codsaday inay gacan ka gaystaan soo qabashada tuhmanayaasha, waxayna sii daayeen muuqaallada raggan oo galaya maqaayadda, hase yeeshee wejiyada soo dabooshay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker