Madaxweyne Gaaska Puntland Oo Lagu Eedeeyey Inuu Khalkhal Siyaasadeed Ka Abuuray Deegaannada Puntland.

Garoowe-(OWN)-Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas uu Khalkhal siyaasadeed ka abuuray degaannada maamulkaasi.

Faarax Cali Shire oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxwayne ee Puntland, ayaa ka hadlay Xaaladda Puntland oo xilligan uu ka Jiro Olole Siyaasadeed.

“C/weli Gaas wuxuu la mid yahay Mushariixinta waxba laga weydiin maayo, Xaalada Puntland, Qofkasta waxa uu masuulka ka yahay waxa uu hayo xiliga kala Guurka” ayuu yidhi musharraxan.

Waxaa is soo tarayey maalmahan dambe eedda loo jeedinayo madaxweynaha Puntland, iyadoo doorashada Puntland ay ka hadhay 29 cisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker