Muran ka Tagan Jamuuriyada Afrikada Dhexe oo Sharciyaaynaysa Lacagta Bitcoin

Bangiga dalalka Afrikada Dhexe oo fadhigiisu yahay dalka Cameroon ayaa ku booriyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) inay baabi’iso sharci ay soo saartay dabayaaqadii bishii April kaas oo dalkaasi uu ku sharciyeeyey isticmaalka lacagta dhinaca internetka ee Bitcoin. Bangiga ayaa warqad uu soo saaray todobaadkii hore kaga digay in tallaabadaasi ay jabisay shuruucdeeda ayna saameyn ku yeelan karto xasiloonida lacagta ee gobolka.

Bangiga ay ku bahoobeen dalalka Afrikada Dhexe ayaa sheegay in go’aanka uu gaadhay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee ah inuu sharciyeeyo lacagta electarooniga ah ee Bitcoin inay keenayso in lacagtaasi ay suuqa kula tartanto lacagta Faranka ah ee ay isticmaalaan dalalka Afrikada dhexe, waxaana lacagtaasi taageera dalka Faransiiska.

Warqadda ka soo baxday guddoomiyaha bangiga ay ku bahoobeen dalalka Afrikada dhexe oo ku socotay wasiirka maaliyadda ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo ku taariikhaysnayd April 29-keedii ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay muujinayso in dalkaasi uu doonayo inuu kaga baxo xayndaabka maamul ee bangiga dhexe ee dalalkaasi ay ku bahoobeen.

Warqaddan ayaa lagu sheegay in isticmaalka lacagaha dhinaca internetku inay keeni karaan xasilooni darro dhaqaale oo soo foodsaarta dhammaan lacagaha laga isticmaalo dalalka lixda ah ee ku bahoobay ururka Central African Economic and Monetary Community (CEMAC).

Xubnaha CEMAC, ayay ku jiraan Dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Cameroon, Chad, Gabon, Equatorial Guinea, iyo Jamhuuriyadda Congo, waxaana dalalkani isticmaalaan lacagta Faranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker