” Madaxweyne Muuse Wuxuu Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka U Qabaa Ciyaalo Eydiisii Oo Kale

Guddida Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Waa Birmageydo, Madaxweyne Muuse’Se Wuxuu U Qabaa Ciyaalo Eydiisii Oo Kale”. Waxa Qoray Siyaasi Ali Kubad

Guddida kommishanka doorashooyinku waa gudida xeerbeegtida iyo garsoorehabs ka noqota xitaa kursiga madaxweynenimada uu ku fadhiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Waa gudi u baahan madax banaan buuxda iyo inaan hawlahooda ama shaqadooda lagu far gelin si aanu miisaan koodu dhinac uga ciirin. Todobada xubnoodba way siman yihiin oo waa todoba Gudoomiye oo garbaha isku haya. Gudoomiyanimada kommishanku waa mid farsameed oo gudoomiyuhu iskama gaadhi karo go’aan aanay inta kale la qaadanin. Gudoomiyuhu waxu saxeexi karaa uun qader lacag hawl maalmeedka hadba taagan, sida shaqaalaha musharkooda iyo kharashyada yar yar sida kirooyinka xafiisyada, shaqaalaha gobolada, iyo degmooyinka dalka kala jooga. Markaas, gudoomiyaha in la bedeli karo iyo haddii loo deynayoba kommishanka ayey ku xidhan tahay. Hay’ad ahaan kommishanku waxuu leeyahay Agaasimaha kommishanka Qaranka. Agaasimahaasi waxuu haystaa xafiiskii maamulka iyo lacagta(Admin and Finance) oo xisaabiyihiisana leh. Waxii kharash ah ee loo baahdo kommishanka ayaa u gudbinaya Agaasimaha iyo shaqaalaha hoos yimaada sida xisaabiyaha oo kale. Wax waliba markaas waa daahir yaa shamis iyo xalaal iftiin baa la qashaa. Saddexda xisbi ee dalku mid waliba waxuu magac dhebaa hal xubnood oo metalaya xsbiyadooda. Waxase intaas usii dheer hadba madaxweynaha dalka ka jiraa inuu 2 xubnood uu si gaar ah usii leeyahay inoo soo magacaabo, iyadoo arrintaas loogu talo galay si degaanada ama reeraha u baahan inay cidi metasho, oo dee ilayn qabyaalad baa Ina waashaye, inuu isu dheeli tiro beelaha ama degaanada. Sidoo kale, waaxda sharci dejinta gaar ahaan guurtiduna labo xubnood bay soo magacow daa iyadoo ujeedadu tahay isu dheeli tirkaas beelaha. Guud ahaan 5 xubnood bay saddexda waxaad ee xukuumadeed ay labo ka mid ahi soo qondeeyaan, oo fahma oo Madaxweynuhu shantass xubnood gacanta ugu weyn buu ku leeyahay soo xulidooda iyo magacaabis toodaba. Maxaa hadaba khaldamay?

Waxa jirta fikir yidhaahdaa bahalka waraabaha la yidhaahdaa waa madaxda ama seyidada fawdada/ qas (Masters of chaos) oo micnaheedu yahay waxay faa’iidada ugu weyn ka helaan meel ay ka jirto qas, jaah wareer, bulxan, iyo weyrax. Waraabuhu waxuu u imanayaa labo libaax oo raq ay dileen cuanya, markaas bay waraabayaal oo dhami isu habar wacdaan, dabadeed siday labadii libaax marba dhinac uga shaqa-shuqaynayaan marna dibka uga qaniinayaan bay labadaas libaax ka eryadaan raqdoodii. Ta kale, waraabuhu waa,xawayaanka keli ee neef nool uu eryanayo nolosha ku cuna. Aan ku soo dhowaado ujeedadayda’e, reer qaaxo ama Madaxweyne Muuse waxuu ku faa’iideystaa qas iyo jaah wareerinta ummada. Halkee baa lagu arkay gudidii Kommishanka oo gudi kale loo saaray si ay uga soo warbixiyaan. Maxaa ku xige garsoorayaashii maxkamada sare way is haystaane gudi soo baadha ayaan u dirayaa, ama gudi baa u dirayaa golaha Wakiilada soo baadha. Haddii dhib xoolo la lunsaday ay jiri lahayd, in kastoo aynaan arkaynba wax meeshaas laga dhex boobo, waxu hanti dhowrka kala xisaabtami lahaa Agaasimaha kommishanka iyo shaqaalaha hoos yimaada sida xisaabiyaha. Kommishanka Qaranka marka ay dhacayso doorashadu ka hor baa waxii dhaqaale ah ee loo baahan loo soo shubaa, haday tahay ta xukuumada Somaliland bixiso iyo haday tahay mid ka timi dawladaha innaga caawiya doorashooyin kaba’e. Dhaqaalahaas oo lagu soo iibinayo waraaqahaha lagu codaynayp iyo sanaduuqda lagu ridayo, shaqaalaha la tababarayo kharash koodii, gadiidka, xafiisyada loo baahan yahay, wacyi gelinta, shidaalka baabuurta, qandaraasyada loo baahan yahay sida kuwa gaadiidka iwm. Maxaa looga dhigayaa kommishanka Qaranka badweyn lacag ah oo wax qarqinaysa. Runta waxay tahay Muuse Biixi ayaa qaskan koomishanka ka danbeeya oo isaga ayaa bambada ku dhex tuuray kommishanka. Kommishanka way is doorteen oo is bedel dhexdooda bay isku sameeyeen, halkee bay xukuumadu ka soo geli kartaa inay tidhaahdo waxay sameeyeen waa khalad ah ama waa sax. Imminkana maxuu yidhi gudi baan u saarayaa soo baadha oo war iiga keentay sidii ay kommishanku yihiin wasaarad ka mid ah xukuumadiisa. Wax waloo halkaas innooga muuqdaa waxay sheegayaan farahii iyo raadkii Madaxweyne Muuse Biixi iyo farsamooyinkiisii Qaaxo ee sida waraabaha ka dhex faa’iideysan jirey bogcad uu mushkilad ka abuuray.

Waxaan kusoo koobayaa, Muuse waxuu helay gol jilicdii ugu fiicnayd ee muddo kordhin loogu samayn lahaa markuu abaaray kommishankii uu shanta ku lahaa, oo intuu dab iyo gaas isugu dhiibey uu hadana gudi u saaray, sababtoo ah waxuu rabaa inuu yidhaahdo ma wada shaqayn karaan ama intaas oo xubnood baa denbi iyo muusuq maasaq lagu helay. Intaas kadibna uu u gudbiyo magacyada xubnaha qaar golaha Wakiilada JSL si xilka looga qaado kuwaas uu sadqeeyey, dabadeedna uu yidhaahdo bedelkoodii ha la soo magaacaabo. Buuqaas ama qaskaasna inta lagu dhex jiro waxa tegaya waqtigii uu lahaa ururada ayaan furayaa ama doorashada madaxweynenimadu ay dhici lahayd, haday taasi timaadona kordhis uu gacantiisa ku rimiyey Madaxweyne Muuse Biixi waa ka fursan waa sida uu isagu isleeyahay. Badheedhahàyga waan dhibanayaaye, ninka lagu guurayo ee kubka iyo bowdadaba kommishanka ka jebinayaa waa C/ Rashiid Riyo-raac sababtoo ah Gudoomiye ayuu kooxda u ahaaye, sidee bay ku dhacday inuu marka horeba Madaxweyne weydiisto in hanti dhowr loo soo diro kommishanka, saw taasi innama tusayso in isaga iyo kommshinku ay jiq iyo tii xumayd isku ahaayeen. Ta labaad, haddii laga qaaday gudoomiyenimadii ma hoygii Makka ayaa gubtey, maxuu u xtiraami waayey go’aan kooda dimuquraadiyadeed, ilayn iyaguba waa kuwii markii hore isaga doortay’e ama loo soo yeedhiyey qaar iyaga ka mid ah inay isaga u doortaan gudoomiyanmadee. Ma waxa la innaga dhaadhicin karaa markay ay bedelayeen Gudoomiye C/Rashiid buu Madaxweyne Muuse shirkooda ka war la’aa. Madaxweynuhu wuu laba canleynayey (double dipping). Gudinyahay badhkay baa kugu jirtee imaad goyseen. Kommishanku madaxweyne Muusow maaha ciyaala eydii aynu shaanida usoo dhiibi jirney, maamuuska iyo qaderinta ay kaa mudan yihiin sii, oo gudidan aad soo magacwday la noqo, waqtigii indhosarcaadku wuu dhamaaday.

“Nota bene’ : La soco … qoraalka soo socda oo ah…..ma xaafad Somaliland ka mid ah baa kursiga u waalatay oo Qaran dumis ah, mise Somaliland oo dhan baa u baahan in dalkana la badbaadiyo jar iska xoornimada Muuse, dibna loogu soo dabaalo ku shaqayntii sharciga iyo distoorka dalka u yaaley”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker