“Walaw aanay jirin Qodobo Dastuuriya oo si cad u diidaya ama u ogolaanaya in M.wayne Suaalo lagu waydiiyo “

“Walaw aanay jirin Qodobo Dastuuriya oo si cad u diidaya ama u ogolaanaya in M.wayne Suaalo lagu waydiiyo kadib qudbadiisa kulanka labada Gole.
Inkasta oo ay jiraan qodobo xusaya in si gaara loogu yeedhi karo xukuumada kulan ka baxsan kan labada Gole oo uu ugu horeeyo M.waynuhu.
Waxa jiri kara duruufo iyo qiilal fasaxi kara ama diidi kara, sida ku cad sooyaalka kulanadii labada gole ee xiligii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal marar badan ayaa suaalo kulankaa lagu waydiiyay, sidoo kale waxa iyadna la xusaa in Mudane Daahir Rayale isna waqtiyo wax lagu waydiiyay kulanka labada Gole.
Waxa iyadna jirta inaan marna Golaha wax lagu waydiin mudane Axmed Siilaanyo iyo M.waynaha maanta Mudane Muuse biixi oo markii u dambaysay muda xileedkiisa Bari subax Golaha Hor imanaya.
Marka aan isla garanay inaanay jirin qodobo diidaya iyo kuwo ogolaanaya waxa in wax la is waydiiyo keenaysa xaaladaha waaqaca yaala iyo duruufaha ku hareeraysan Shacabkeena iyo Dalkeena, oo ay kamid yihiin kuwo dhaqaale, kuwo Doorasho, kuwo Aqoonsi, kuwo Amaan, kuwo Horumar iyo qaar kale oo la fili karo in madaxwaynuhuba soo qaadi karo.
Marxaladaha ayaa mararka qaar muhiim ka dhiga wax aan sharci waajibin ama diidin in laga doodo ama wax la iska waydiiyo.
Waxa iyadna aan meesha ka maqnayn oo wax is waydiinta joojinkarta ama ogolaan karta Xaalka Hogaamiyaha Dalka inta aan ogaana M.wayne Muuse biixi waa nin isku kalsoon oo xogogaal ah oo ka jawaabi kara wax la waydiiyay sidoo kalana iska difaaci kara hadii Eedaba loo jeediyo ee halaga daayo dardaar warinta.
Ugu dambaynta waxan Madaxwaynehena usoo jeedin lahaa inuu shaaciyo haduu diyaar u yahay iyo hadaanu u ahaynba waydiimaha Mudanayasha labada Gole inta aanu bilaamin fadhiga bari hadii alla idmo.
Dadka qaar u haysta in waydiinta aan Dalbaynaa tahay ku xumayn M.wayne Muuse u gaara Xaasha aniga xagayga suuragalna igama aha oo xaata haduu Aabahay m.wayne ahaan lahaa in wax la waydiiyo waa jeclaan lahaa ana hadaan ahay aanaaba codsan lahaa in wax la i waydiiyo. Ilamana aha in madaxda Cabsida la baro oo wax qarxa looga dhigo wax is waydiinta, waxanan hubaa hadii madaxwaynuhu ka jawaabo inuu ka heli doono wax wanaagsan oo sixid iyo Ogaal u noqda.
Ilaahay qarankeena ha inoo barakeeyo.”
Xildhibaan Maxamed Abiib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker