Magacbixinta Ururrada Siyaasadda Ee Somaliland

Magacu sidiisaba waa astaanta, summadda iyo sawraca lagu baadisoocdo wax kasta oo loo magacbixinayo. Diinteennu waxay jidaysay in ubadka loo bixiyo magacyo wanaagsan, isla markaasna la isugu yeedho magacyada san. Si taas la mid ah ayay magacbixintu kaalin uga qaadataa hanaqaadka dadka, ganacsiyada, ururrada bulshada, ururrada siyaasadda, iwm.
Magacbixinta urur siyaasadeed ma aha wax sahlan. Waa in ay ka turjuntaa ujeeddo qawmi ah iyo himilo ummadnimo. Waa in ay u taagan tahay aragti siyaasi ah iyo ahdaaf bulsheed oo macquul ah. Waa in laga dhex dheehan karaa fikrad hoggaamineed iyo fan dawladnimo.
Si taas la mid ah, magaca urur siyaasi ahi waa in uu xanbaarsan yahay rejo iyo yididiilo bulsheed oo maangal ah. Sidoo kale, waa in uu magacu yahay mid caqligeenna ixtiraama oo aan sida qaalibka ah ina lahayn: “waxa aan ahay urur hebelkii nimcada dalka fadhfadhida jiifka idinkaga dhergin lahaa,” iwm.
Magacyada loo bixiyay urur-siyaasadeedyada cusub ee ilaa iyo hadda lagaga dhawaaqay Somaliland, waxa laga dhex arki karaa heerka aqoonta afeed iyo halabuurka maskaxeed ee bulshadeenna. Durba waxa soo baxay muranno la xidhiidha magacyada ururrada siyaasadeed ee kala ah: Horseed, Waaberi, Barwaaqo iyo SPP.
Judhii ururradan lagu dhawaaqayba, waxa soo baxay siyaasiyiin ku doodaya in ay iyagu leeyihiin magacyadan, hore na ay u shaaciyeen. Halkan, waxa aynnu si kooban isku dul taagi doonnaa qaar ka mid ah magacyada ilaa hadda ina soo soo gaadhay.
1. ‘Horseed’ iyo ‘Waaberi’, marka laga yimaaddo in ay yihiin magacyada laba kooxood oo magac weyn ku leh taariikhda fanka casriga ah ee Soomaalida, waxa muran ma doon ah in magacyadani ka mid yihiin magacyada ka dul baxay ganacsiyadeenna. Tusaale ahaan, waxaad magacan ku arkaysaa shirkadaha: dhismaha, sarrifka, xawaaladaha, qaadka, iqk. Magacyada kale ee kuwan la midka ah ee aad mooddo in laga faashado waxa ka mid ah: Tawakal, Najax, Maashaa Allaah, iwm.
2. ‘Ugbaad’ iyo ‘Barwaaqo’ waa magacyo caadiyan loo bixiyo hablaheenna, iyada oo laga filanayo wax san, badhaadhe iyo nimco. Si taas la mid ah, waxa magacyadan loola baxaa qaar ka mid ah meheradaha ganacsiga, iyada oo loogu magacdarayo qof magacaas leh ama lala xidhiidhinayo ujeedka uu magacu u taagan yahay.
3. ‘Gurmad’ walow laga dhex dheehan karo aragti siyaasi ah iyo dareen dawladnimo, waxa layaab ah in magacan uu lahaa mid ka mid ah ururradii siyaasadeed ee ku tartamayay doorashadii golayaasha deegaanka ee 2012. Sidaas darteed, magacbixintani ma aha mid laga fikiray iyo halabuur cusub toona.
4. ‘SPP’ ama ‘Ururka Dadweynaha Somaliland’ waa urur uu magaciisa lahaa siyaasiga da’da yar ee Maxamed Cabdi Jaamac Dhinbiil. Inta aan ka warqabo, Maxamed waxa uu hindisaha urur-siyaasadeedkaas iyo magaciisaba ku hawlanaa shantii sanno ee la soo dhaafay. Waxa se layaab leh in kolkii la fasaxay furashada ururrada ay magacii SPP la baxeen qaar ka mid ah asxaabtii uu kala sheekaysan jiray fikradda ururkaas.
Marka la soo ururiyo, waxa muuqata in magacyada ururrada ilaa iyo hadda ina soo gaadhay aan looga fikirin si toolmoon, isla markaasna aan la galinnin tamar iyo waqti ku habboon. Ururrada magacbixintoodu sidan tahay, fikradaha ay sidaan maxaydun u malayn? Idinka ayaan idiin daayay.
Muhammad Suleiman Omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker