Sii daaya ama Xukuma ! W/ Q Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay kiiskii lagu haystay xukun ka soo saartay taariikhdu markay ahayd 03- February 2022, waxaanay ku weyday dhamaan eedihii loo haystay, waxaanay amartay in la sii daayo.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa rafcaan ka qaadatay go’aankaas, waxaanay dalbatay in Xabsiga lagu sii hayo, halkii ay ahayd in isaga oo banaanka jooga ay dacwad ku soo oogaan.

Ilaa maanta Xeer Ilaalintu Maxkamada may hor keenin Cabdimaalik, waxaanuu ku jiraa jeelka isaga oo dembi-laawe ah oo Maxkamadu wax dembi ah ay ku wayday.

Waxaan ka Codsanayaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Aadan Xaaji Cali inay degdeg u eegaan kiiska Cabdimaalik, Maxkamadana ay hor keenaan oo haddii dembi lagu helana la xukumo oo dembigiisa lagu qaado, haddii aanu dembi lahayna la sii daayo oo xorriyadiisa loo soo celiyo.

Waa Xaaraan aan sinnaba loo aqbali karin in qof ay Maxkamadi dembi ku weyday uu Saddex Bilood Jeel iskaga jiro. Waa arrin foolxumo ah oo aan damiirku aqbali karin.

Arrinta Cabdimaalik maaha arrin u taalla Xukuumada, waxay u taallaa oo ay dusha u saaran tahay Xeer Ilaalinta iyo Laamaha Garsoorka.

Mahadsanidin

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker