Garyaqaan Mubaarig Cabdi ” waayo aragnimayda xabsiga Hargeisa “Hargeisa central prison”

Xabsiga dhexe ee Hargeisa oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay 2005 Qareeno Reer soomaliland ah oo Maxakamadu xukuntay iyagoo kiis ku gudo jira ,xilligaas waxa soo booqday caasimada iyo xabsigaba wafti ka socday QM gaar ahaan ergaygii gaarka ahaa ee xuquuqda aadamaha ,warbixintii ay qoreena waxa ku jirtay in la dumiyo jeelka weyn oo laga dhigo meel u qalanta in insaanka lagu xidho.
Xabsiga dib u dhis balaadhan baa lagu sameeyay waana la qalabeeyay, xabsiyada Mabda ahaan waa xarumo dhaqan Toosineed oo lagu xidho xukunsanayaasha ay Maxakamadi dembi ku heshay ,Walow mararka qaarkoodna lagu xidho dadka garsugayaasha ee wali ay ku socoto baadhis ama kiiskoogaba lagu gudo jiro.
ciidanka ka masuulka ahna waa asluubta oo ku shaqeeya xeerka Xabsiyada soomaliland iyo Habraacyada ka dhashay.
Mudadii aan ku shaqaysan jiray xirfada qareenimo xabsiga Hargeisa waxa uu ahaa meesha ugu badan ee shaqo maalmeedkayga qaybta ka ahaa mar aan qof ku soo waraysanayo ,mar aan soo booqanayo iyo Marar aan kiisas xasaasi ah oo aragagixiso ah ku galnay xabsiga dhexdiisa mudo laba todobaad ah oo socon jiray 8 subaxnimo ilaa 7 Fiidnimo ,Kan iyo ka madheeraba.
Xabsiga dhexe wuxu igu astaysan yahay Goobahan ugu jeclaa markay shaqo iga gasho dadka jooga awgeed , oo ah ciidan ixtiraam badan aqoon shuruucda u leh fahan balaadhana ka haysta shaqada aad uga socoto xabsiga , mararka qaarkood qofka aan matalayo xafiisyada quruxda badan ee xabsigaa la igu keeni jiray markaasa naloo kala tagi jiray intan kala dhargayno Maxbuuska aan qareenka u ahay ee aan waraysanayo, sidoo kale qoraalada aad uga baahato xabsiga oo dhan saxeex iyo wixii la mid ah si fuduud bay Hogaanka xabsigu kugu qabanayaan, waa meesha kali ah ee Taliyaha xabsiga jooga saxeexiisa aadan waayaynin goor kasta oo aad tagto, waa sababta ay saldhigyada iyo xabsigu u kala duwan yihiin ,Saldhig markad tagto mararka qaarkood waxad ugu tagaysaa Joornatiga oo kali ah .
Xabsigu wuxu leeyahay habdhaqan xasaasi ah oo ay tahay in inta badan loo hogaansaamo waxa ka mid ah Tilifoonada oo ka mamnuuc ah xabsiga gudihiisa ,ciidanka qayb gaar ah uun baa loo oggol yahay inay u galaan maxaabiista oo Blocks ku kala xidhan ,Askari kasta oo galayana waa la baadha ilaa kabaha laga saara Mobilkana waa laga reeba iyo wixii Hub ah sidoo kale waxay aad ula dagalaamaan jaadku ama QAADKA inuu u Gudbo qolalka Maxaabiista.
Waa Hubaal qof kasta oo cidi jeelka kaga xidhan tahay inuu ku farxo adeega uu meesha kala kulmo iyo sharciyaqaanaduba oo mararka qaarkood dalbada in xabsiga loo wareejiyo qofka ay matalayaan waayo uu og yahay xabsiga inuu mar walba accesible yahay.
Dhacdadii Maanta ee xabsiga Dhexe.
sida uu taliyaha Asluubtuba sheegay xasbigu waa meel ay dad badan oo xukunsani ku xidhan yahay qaarkoodna ay mudo badan ku xidhnayeen oo mar walba la fili karo inay Rabshadi ka dhex dhaco Maxaabiista dhexdooda iyo iyaga iyo ciidanka ilaalada ahba.
Maaha markii ugu horaysay ee dhacdo sidan oo kale ah ka dhaco xabsiga gudihiisa sanado ka hor Maxaabiis eedo culsu ku xukunaa baa isku dayay inay xabsiga ka baxsadaan oo banaanka immi walow shacabka iyo ciidanku intay qabteen ay dib u xidheen.
Talaabada Xigta.
Dhacdada xabsiga ka dhacday waxa baadha Ciidanka baadhista dembiyada CID oo ah Boolis ,hadii uu dembi u soo baxana xeer Ilaalinta Gobolka maroodi jeex baa eedo ku soo Rogaysa Maxaabiista dhibta samaysay.
Arrinta Saxaafada.
Horta anigu 5 sano oo aan mar walba xasbiga shaqo u tagayay waligay Moobayl lama galin oo gaadhigan kaga sii tagi jiray hadii aan isku ilaawana albaabka la igaga reebi jiray anigoo qareen ah xasaanadna Huwan.
saxaafadu way se ka dabci duwan tahay Muwadiniinta caadiga ah oo shaqadooda ah inay war Gudbiyaan ,waa in lagu ixtiraama Maamada oo aanay dembi galin waxay xaq u leeyihiin in iyaga looga waramo siday wax u dhaceen iyo waxa dhacay si ay Bulshada kale u gaadhsiiyaan, Maadama oo ay yihiin indhihii iyo dhegihii Bulshada ,Mooral ahaana waa liidasho hadii aynu ku farxno xirfadlayaasha hablaha iyo wiilasha ah ee iyagoo sooman inaga inoo heelaan si ay war inoogu soo Gudbiyaan xadhigoogu waa dheg xumo iyo dhiilo kale , waxa ku filan xataa in laga eryo Goobta oo la idhaa lama oggola balse xadhig Maya Maya .
Saxaafada xoriyadooda ha loo celiyo anigoo idiin xasuusinaya Maalinti madaxweynuhu Maraykan joogay wixii ugu badnaa ee uu ku faanayay inay ahayd saxaafad xor ah oo madax banaan aduunyadu way ina arkaysaa ee xadhkihii Madaxweynuhu soo xidhay Yaynaan dhayl ku furfurin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker