Madaxweynaha Ukraine oo ka digay arrin uu Ruushku damacsanyahay
โWaa maxay hadafka ciidamada Ruushka? Waxa ay rabaan in ay qabsadaan Donbas iyo Koonfurta Ukraineโ ayuu yidhi madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo hadal-jeedintii maalinlaha ahayd u jeedinayay shacabka dalkaasi.
Waxa uu sheegay in ciidamada Ukraine ay hadda dedaalkooda u wareejiyay dhanka Bariga, halkaas oo uu tilmaamay in Ruushka ay culeeska isugu geynayaan si ay u qabsadaan.
Subaxnimadii hore ee saakay, qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada dekeda ah ee Odesa ee Badda Madoow ku taala. Lama hubo waxa halkaasi ka dhacay, balse masโuul dowladda Ukraine ka tirsan ayaa sheegay in duqeyn xagga cirka ah ay dhacday.




