Yaa Bedeli Doona Marka Uu Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka JSL Ku Dhawaaqo Urur Siyaasadeed
“Maadaama Wasiirku Balanqaadey innuu Ninka Badelaya Yahey, Kaliya Waxa hadhey inn Madaxweynuhuna Ka ajiibo” Xasan Cabdilaahi Garaad.
Mid Kamid ah, Bulshada Ku Nool Gobolka Sool ayaa Sheegay, in Madaxweynaha Somaliland Tirraba la jeer, ka joojiyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Somaliland, in uu Ku Dhawaaqo Urur Siyaasadeed, uu in badan hadalhayey Kadib Markii Xukuumadu ku Dhawaaqdey Furista Ururada Siyaasada Somaliland Laakiin Waxa uu Xusey Muwaadinkani in Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), uu ku Calool adeygay, in uu ugu dambayntii, go,aankiisa Meelmariyo.
Waxaanu intaa ku Darey, hadalka ku Wajahan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed(Ataash), in uu Toddobaadkan Soo Socda ku dhawaaqayo, Urur Siyaasadeed uu isagu Hormuud u yahey, Kaas oo Tiraba Laba jeer laga badelay Magaca kadib Wadatashi iyo shirar door ah oo uu la yeeshay, Guud ahaanba inta uu doorbiday, In ay yihiin Bulshada Taageersan, sidaa daraadeedna Mar Walba Loo baahan yahay, in Go,aankiisa uu kaga tanaasulay(Polatical Figer), Kursiga uu Ku Matalayay, Gobolka Sool ee Golaha Xukuumadda uu Madaxweynuhu Xaq u leeyahay in uu Buuxiyo, Sidaa daraadeedna Waxa ay taasi noqon Doontaa oo aynu Ka Gobol ahaan ka Filaynaa in uu Madaxweynaha Somaliland Tixgalin Doono, Codisgii Wasiirka hore Cabdirisaaq Ataash.
“Maadaama Wasiirku hore u Balanqaadey innuu Ninka Badelaya Yahey, Maalintii ay u Galbiyeen Ina jiidhe Gabiley Kaliya Waxa hadhey inn Madaxweynuhuna Ka ajiibo” Ayuu yidhi Xasan Cabdilaahi Garaad.
Waxaanu Sheegay, gabagabadii in Kuraasta Golaha Xukuumadda ee Gobolka Sool lakala leeyahay, Sidaa daraadeedna ay Waajib tahey in ay ku qanacsan yihiin Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, in Wasiirka loo dalacsiiyo




