Shirkad Sucuudi ah oo ka hadhay tartankii loogu jiray iibsashada kooxda Chelsea iyo sababta

Shirkadda Sucuudiga laga leeeyayay ee magaceeda loo soo gaabiyo SMG ayaan ku soo bixin liiska kama dambaysta ah ee shirkadaha u tartamaya in au iibsadaan naadiga kubadda cagta ee Chelsea.

Shirkaddan oo uu metalayey taageeraha Chelsea ee la yidhaa Mohamed Al Khereiji, ayaa ka mid ahayd lix qolo oo sheegay inay gudbiyeen dalab ay ku doonayaan in ay ku iibsadaan kooxdaa ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Ilaha ku dhow SMG ayaa sheegay in rabitaankeeda ah inay baadhitaankii iska hubsashada qaabka ay u iibsan karto kooxdaas uu noqday cago jiid wakhtigii loo baahynaa in ay codsiga gudbiso dib uga riday.

SMG waxa ay kooxda ku baayacday in ka badan laba bilyan oo Giniga Sterling-ka ah iyo in ka badan 200 milyan oo Gini oo qarashaadka hawleed ee kooxdu ah.

Maxay qaar ka mid ah taageerayaasha Newcastle u xirtaan khamiisyada iyo cimaamadaha?

Gabadhii musiibada ku dhacday ee markii dambe guul qaran soo hoyisay

Waxaa se khamiistii lagu wargeliyay in aanay u gudbin wareega labaad ee kala xulashada shirkadaha laga iibin karo naadiga.

Qaar ka mid ah shirkadaha kale ayaa horay u sameeyay dadaal ku saleysan rabitaankoodii hore ee iibsashada kooxda.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa dowlada UK siisay shati gaar ah oo ay ku sii wadan karto shaqada ka dib markii mulkiilaha Roman Abramovich lagu soo rogay ganaax lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Ma awoodaan inay lacag ka helaan iibka tigidhada iyo xayeysiisyada, waxayna haatan kooxdu haysataa mushaharka bishan oo dhan 28 milyan oo Gini.

Arbacadii, dawladdu waxay ogolaatay shirkadda Abramovich ee leh Chelsea, Fordstam Ltd, inay bixiso 30 milyan oo Gini oo kooxdu u adeegsato kharashaadka maamulka maalin laha ah.

Bilyaneerka Ruushka ayaa ku doonaya inuu naadiga ku iibiyo 3 bilyan oo Gini balse lacagta ka soo baxda waxa ay geli doontaa hay’ad samafal ama akoon la xayiray iyadoo ogolaansho laga helayo dowladda.

Waxaa la fahamsan yahay in qandaraasyada lagu qiimeynayo qiimeyntooda naadiga, ballanqaadkooda shaqo, dhaqaalaha ay ka helaan, xawaaraha iyo hubinta ay ku xiri karaan wax kala iibsiga iyo sooyaalkooda ciyaaraha.

Kooxda warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in lacagtooda ay si gaar ah u maalgeliso mid ka mid ah warbaahinta ugu waa weyn dalkaas, isla markaana aysan xiriir la lahayn dowladda Sacuudiga. Al Khereiji waa madaxa fulinta ee shirkadda waalidka ee warbaahinta Sacuudiga, Engineer Holding Group.

Shanta qof ee kale ee la soo baxay dalabaadka waxaa ka mid ah isbahaysi ay ku lug leeyihiin qoyska Ricketts, oo leh Chicago Cubs, koox ay ku jiraan mulkiilaha Los Angeles Dodgers Todd Boehly iyo bilyaneer Swiss Hansjorg Wyss, iyo mid kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee Liverpool Sir Martin Broughton. iyo Lord Coe.

Iskaashatooyinka kale waxaa ka mid ah maalgeliyaha hantida Ingiriiska Nick Candy, kaasoo kordhiyay dalabkiisii ugu horreeyay ee laba billyan oo Gini iyo shirkadda maalgashiga caalamiga ah ee Centricus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker