Burco oo laga Qoday Goob ay Dawladdii Siyaad Bare ku Xasuuqday 43 Aqoonyahan 1984-kii

Wasaaradda Cadaaladda oo Burco ka baadhaysa Goob ay Dawladdii Siyaad Bare ku Xabaashay 43 Aqoonyahan oo reer Burco ah 1984-kii oo hayb ahaan loo xasuuqay.
Waaxda Baadhista Xasuuqa ee Wasaarada Cadaaladdu iyadoo kaashanaysa dawlada hoose ee Burco, waxay hawl qodis ah ka fulisay goobtii looga shakisnaa godkii lagu wada riday 43kii qof ee ay xukuumadii Siyaad Barre ku xasuuqday Burco sannadkii 1984kii. Dadkaas oo iskugu jiray aqoonyahankii, waxgaradkii, ganacsatadii, iyo saraakiishii reer Burco ee lagu laynayay haybtooda.
Goobta dadkaas lagu xasuuqay waxay ahayd Kaabada Madaarka Burco oo imika layidhaa xaafaada Cuqubo, dayrka madaarka waxay u jirtaa 1500 mitir, sida ay noo xaqiijiyeen dadkii goob jooga u ahaa subixii la laynayay dadkaas.
Waaxda Baadhista Xasuuqu waa markii shanaad (5) ee ay Burco u timaado raadinta goobtii godka kaliya looga qoday ee lagu wada riday dadkaas, waxaanu u mahadnaqaynaa dadweynaha iyo maamulka heer gobol & mid degmaba sida wanaagsan ee ay noola shaqeeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker