Dawladda Itoobiya oo magacowday Safiiro Uu Ku Jiro Danjiraha Somaliland
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay liiska 30 dal loo magacaabay safiiro dalkaas laga dirayo, talaabadaasoo uu ansixiyey golaha wasiirada dalkaas.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili dhowr bilood ka hor RW Abiy Ahmed uu sheegay in la dhimayo danjirayaasha dalkaas u fadhiya caalamka sababo la xidhiidha dhaqaalo xumo awgeed.
Danjireyaasha la Magacaabay Waxaa ku jira saddex Soomaali ah oo midkood loo magacaabay inuu Itoobiya danjire uga noqdo Somaliland .
Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Dina Mufti ayaa shaaciyey Liiska magacyada dalalka safiirada loo magacaabay.
1. Danjire Tefera Derebew- Japan
2. Ambassador Dessie Dalke- South Korea
3. Danjire Sileshi Bekele- U.S.A
4. Danjire Hassen Ibrahim- Masar
5. Danjire Jemal Bekir- Pakistan
6. Danjire Feysel Alyi- Qatar
7. Ambassador Isayas Guta- Morocco
8. Danjire Tsegaab Kibebew-Australia
9. Danjire Fikadu Beyene- Eritrea
10. Danjire Genet Teshome- Kuuba
11. Ambassador Tafa Tulu- Brazil
12. Danjire Shitaye Minale-Côte d’Ivoire.
13. Safiirka aan caadiga ahayn iyo ku-xigeenkiisa Prof. Fikadu Beyene- Indonesia
14. Danjire Reshad Mohammed- Zimbabwe
15. Danjire Bacha Debele- Kenya
16. Danjire Daba Debele- Rwanda
17. Danjire Meheretab Mulugeta- Sweden
18. Ambasador Mulugeta Kelil- Pakistan (Ku-xigeenka Safiirka).
19. Ambassador Yoseph Kassaye- New York (kuxigeenka madaxa safaaradda).
20. Ambasador Aklilu Kebede- Dubai Qunsuliyadda Itoobiya-(Qunsulka Guud)
21. Ambassador Furtuna Dibaco- Brussels (Ku-xigeenka Safiirka).
22. Danjire Assaye Alemayehu Ghana safiir ku xigeenka
23. Ambassador Workalemahu Desta (Nairobi ku xigeenka safiirka).
24. Danjire Anteneh Tariku- Gobolka Gedearif, Suudaan (Qunsulka Guud).
25. Ambassador Hailay Berehane- Berlin (ku-xigeenka madaxa safaaradda).
26.Ambassador Wubeshet Demessie (kuxigeenka London).
27. Ambassador Awol Wogris- Bahrain (Qunsulka Guud).
28. Ambassador Seid Mohammed-(Qunsulka Guud) Somaliland
29. Ambassador Buzunesh Meseret (New Delhi).
30-Ambassador Zelalem Berhan- (Ku-xigeenka Madaxa Ergada U.S.A.)




