Xukuumadda JSL Oo Ka Hadashay Dhoofka Xoolaha Ee Sucuudigu Fasaxay, Baaq Ay U Dirtay Maxjarrada Iyo Ganacsatada Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Waddanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay si rasmi ah xayiraadda uga qaadeen dhoofka Xoolaha Soomaalida ee muddoba saarnaa xoolaheena isaga oo sheegay in xukuumaddu diyaarisay dhammaanba tashiilaadkii lagu fududayn lahaa lagagana gudbi lahaa shuruudaha ku xidhan dhoofka Xoolaha, taasi oo uu ku tilmaamay Bushaaro weyn oo wax tar leh inkasta oo ay ku soo beegantay buu yidhi wakhti dalkeenu ku jiro xaalad abaareed oo ba’an.
Siciid Sulub Maxamed oo shalay Warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi: “Xaaladda Xoolaha ee aynu maanta ku jirnaa, waa xaalad abaareed oo dalku ku jiro xaaluf iyo biyo dhaamis. Waxa aynu ku jirnaa gurmad qaran. Dadaal fara badanina waa jiraa dhinaca shacabka iyo xukuumadda labadaba. Ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa in uu dhibkaasi innaga soo furto. Waxa maanta farxad innoo ah in aynu isu sheegno in iibkii Xoolaha ee Suuqa Sucuudiga ee innaga xidhnaa in muddo ah uu imika furmay oo ay dawladda Sucuudi Carabiya furtay una furtay Dawladaha ama dalalka Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya oo ay si siman ugu furtay. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaan isku diyaarinaynay si Maxjarradeena Berbera ay ugu diyaar garoobi lahaayeen Xoolahaasi la furay dhoofkoodii iyo sidoo kale Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, Ganacsatadii shacabka ahaana sidaasi ayay diyaar ugu tahay in ay hawshaa ka hawl gasho iyada oo ku soo beegmaysa marxalad dhaqaale ahaan aynu aad ugu baahanahay. Dhibtii hore ee innaga soo gaadhay xanuunka Koofidh sagaal iyo Toban ay innoo raacday abaaruhu iyo innaga oo laf-dhabarta dhaqaalaheenu ahaa xoolaha nool oo Xoolihii noolaa aan la innaga iibsanayn markaa waxa ay innoo tahay Culayskii oo Fudayd innooga dambeeyey. Fudayd bay innoo tahay in albaabkaasi inoo furmay oo aanay iib la’aan xoolaha ahi innoogu darsamin abaartii. Waxaan rajaynayaa in cid walba oo ku shaqo leh arrintaasi ay dhinacooda isku diyaariyaan. Wasaarad ahaan annagu diyaar baanu nahay. Shuruudaha lagu xidhay dhoofka xoolaha ee ama Caafimaad ku saabsan ama shuruudaha kale ee rarista xoolaha iyo qaabka loo diyaarinayo in aanu diyaar u nahay fulin doonana wax kasta oo nalooga baahdo dhinacayaga oo masuuliyaddaydu ku xidhan tahay”.
“Arrinkan dhoofka xoolaha ee la ogolaaday waxa masuuliyad weyn iska saaray Safiirka Sucuudiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya. Kaasi ayaa ka shaqeeyey arrinkan Xoolaha isaga ayaanan uga mahad naqayaa. Dadka reer Somaliland-na uga mahad naqayaan. Waa Safiirka Sucuudiga u fadhiya wixii la isku odhan jiray Somali Republic imikana kala ah Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al Muwallad. Isaga ayaa si wanaagsan hawshaa uga shaqeeyey maadaama ay masuuliyaddiisa ahayd” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu.
Hadalkan Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu dorraad warbaahinta ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku sheegay in dawladdiisu ku guulaysatay in ay Sucuudiga kala shaqayso sidii uu oodda uga qaadi lahaa Xayiraaddii saarnayd dhoofka xoolaha Guud Ahaan Geyiga Soomaalida.




