Bas uu waday dalawar Soomaali ah oo goob ganacsi dhex galay

MINNEAPOLIS – Waxaa ganacsiga Acadia Café ee ku yaala xaafada Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis ku dhacay baabuur Bas ah oo uu waday dalawar Soomaali ah.

Dalawarka baska waday ayaa sheegay in uu bareega u go’ay. Baska ayaa ah nooca rakaabka, waxaana lagu qaadaa ardayda dhigta Jaamcada Minnesota (University of Minnesota). Nasiib ma jiraan dad dhaawac halis ah ama dhimasho soo gaareen. Dhismaha ganacsiga ayaa gebi ahaanba waxaa galay oo burbur xoog leh u gaystay baska ku dhacay.

Shilkan ayaa dhacay duhurkii maanta oo tallaado ah 3/15/2022 saacadu markay ahayd 12:26 duhurnimo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker