Qiimaha Shidaalka Petrolka Oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray Somaliland
Qiimaha shidaalka gaar ahaan noociisa Petrolka ayaa mar kale cirka isku shareeray guud ahaan Somaliland
Saaka magaalada Hargeysa 1 Litir ee petrol ah ayaa waxa lagu iibinaya 9,200 oo shillinka Somaliland ah halkii uu hore uga ahaa 8,500 oo shillin.
Dhawaan qaar ka mid ah ganacsada soo dejisa shidaal ayaa sheegay inay dalka keeni doonaan shidaal qiimihiisu jaban yahay balse arrintan waxba kama suuro-gelin sida muuqata.




