Dowladda UK oo xayirtay hantida Abramovich oo ay ku jirto kooxda Chelsea

Dowladda UK ayaa xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, sidoo kalena kusoo rogtay xayiraad socdaal, taasi oo jahwareer gelisay qorshaha uu ku iibinayo kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub iyo kan kooxaha dunida.

Milkiilaha kooxdan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ka mid ah toddoaba maal-qabeeno Ruushiyaan ah oo xayiraado lagu soo rogay, kuwaasi oo uu ku jiro saaxiibkiisii hore ee ganacsiga Oleg Deripaska.

Dadka kale ee xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah madaxa shirkadda Rosneft Igor Sechin, oo dowladda Britain ay ku qeexday “gacanta midig” ee Putin, iyo madaxa shirkadda Gazprom Alexei Miller.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira guddoomiyaha Bankiga VTB Andrey Kostin, madaxweynaha Transneft Nikolai Tokarev iyo guddoomiyaha Bank Rossiya Dmitri Lebedev.

London ayaa sheegtay in toddobada ganacsade ay marka la isku geeyo hantidoodu gaareyso 15 bilyan oo pound una dhiganta 19.7 bilyan oo dollar, ayada oo dhammaantood ku qeexday inay qeyb ka yihiin xeendaabka Putin.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa cunabqataynada ugu yeeray “tallaabadii ugu dambeysay ee taageerada hagar la’aanta ah ee UK ay siineyso shacabka Ukraine.”

Tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine, waxaa jiray warar la isla dhex-marayo oo ku saabsan in Abramovich lagu dari doono ficillada lagu beegsanayo bilyaneerada Ruushka ee ku dhow Kremlin-ka.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inuu iibinayo Chelsea oo uu iibsaday 2003, islamarkaana lacag badan geliyey si uu ugu dhigo koox guul ka keenta Premier Leugue iyo koobka horyaallada Yurub.

Dowladda UK ayaa qiyaastay in hantida Abramovich ay dhan tahay 9.4 bilyan oo pound, hase yeeshee waxay sheegtay inay qafiifineyso saameynta xayiraadaha Chelsea ayada oo u ogolaaneysa kooxda inay sii waddo inay shaqeyso.

Shati gaar ah ayaa “ogolaanaya dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo la xiriira kubadda cagta,” ayey dowladda UK ku tidhi war-saxaafadeed.

“Tani waxaa ka mid ah fasax ay kooxda kusii wadeyso inay kulamo cayaarto, iyo dhaq-dhaaqyo kale oo la xiriira kubadda cagta, taasi oo kadibna dhowreysa, kubadda cagta, taageerayaasha daacadda ah iyo kooxaha kale,” ayey ku dartay.

Iibinta kooxda iyo kala wareejinta cayaaryahanada laguma darin liiska dhaq-dhaqaaqyada la fasaxay, taasi oo meesha ka saareysa qorshihii uu Abramovich ku iibin lahaa kooxda.

Xafiiska Dhaqan-gelinta Cunaqabataynada Maaliyadeed ayaa sheegay in xayiraadaha hantida lagu dabaqay “hay’ad kasta oo uu leeyahay ama mamaulo Abramovich.”

“Tani waxay ka dhigan tahay in Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ay hadda wajaheyso xayiraad hanti oo qeyb ka ah xayiraadaaha maaliaydeed ee UK,” ayuu yidhi xafiiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker