Shacabka Somaliland oo Soo Dhaweeyay, Shirkadaha Ka Jabiyay Qiimaha Iibka Shidaalka iyo Isweydiinta Kuwa Wali
Shacabka Somaliland, ee Wata Gaadiidka Kala Duduwan, ee Madaxabanaan, iyo Kuwa Dadweynaha u Shaqeeya ayaa Labaduba Siweyn Usoo dhaweeyeen Shirkadaha Ka Ganacsada Shidaalka ee Ka jabiyay Qiimaha iibka Shidaalka oo Mudooyinkii u Dambeeyay Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Kor uga Sii Socdey halkii hore.
Qeybo badan oo Kamid ah Gaadiidka Dadweynaha u Shaqeeya, Sida Booyadaha Biyaha Dhaamiya, Xiligan jiilaalku dava dheeraaday, Basaska Dadweynuhu Raacaan, iyo Gaadiidka Xamuulka, iyo Gaadiidlayda Kale, ayaa Si aad ah ugu mahad Celiyay Shirkadaha Hoos u Celiyay qiimaha Shidaalka Lagu iibiyo, Maadaama aanney Gaadiidku Waxba Kor u Qaadi Karrin Lacagaha ay Shacabka ka Qaadaan, Kiradda Baabuurta, Waxa Kale oo ay u Mahad Celiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi go,aankii uu Ku Fasaxey Shidaalka Keenistiisa in ay Shirkaduhu u Madaxbanaan Yihiin oo Wadda Keeni Karraan Balse aanney Cidna Kooto ugu Xidhanayn Talaabadan oo aheyd Mid Somaliland aanney Ka Maarmin Maadaama Ganacsigu Xor Yahey.
Geesta Kale Dalal badan oo Aduunka ah Khusuusan Wadamada Yurub, oo Ingiriisku Kaw ka yahey iyadoo Sababtu tahey Dagaalka u Dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.




