Askar oo katirsan Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Deni oo Dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhay

Waxaa la  xaqiijiyay in afar askari ay ku dhinteen halka Todoba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaadhi ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Shilka ayaa sida wararku sheegayaan ka dhacay dalcadda Karin-dhiig oo u dhexaysa degmad Dangoroyo iyo tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dhaawacyada askarta ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla Caasimadda Garoowe.

Ciidanka ayaa hordhac u ahaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan Boosaaso laguna wado in uu ku soo laabto Garoowe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker