Madaxweyne Putin oo sheegay in weerarka Ukraine uu ku socdo qorshe la jeexay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hawlgalkiisa khaaska ah ee Milatari, laakiin loo yaqaano duulaanka Ruushka uu ku socdo qorshe la jeexay.

Hadalkiisan ayaa yimid kadib markii falanqeeyayaal badan ay sheegeen in dagaalka Ukraine uu yahay mid qorshe laโ€™aan ah.

Khudbad laga sii daayay television ka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukriane in ay afduubteen kumanaan dad ajanabi ah, ayna u isticmaalayaan dadka โ€œgabaad ay xabada isaga dhigaanโ€ arintaan wax cadeyn ah uma aanuuย  hayn Putin.

Wuxuu intaas ku daray in dadka Ruushka iyo Ukraine ay ahaayeen hal dad, uuna burburin doono kuwa ka soo horjeeda ee reer galbeedku abuureen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker